Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Oo Ka Hadashay Suxufi Maalintii Sadexaad Ku Xidhan Hargeysa

Hargeisa(GNN):-Xarunta xuquuqal iinsaanka ayaa xukuumada ugu baaqaday inay xoriyadiisa u soo celiso suxufi Cumar Seerbiya oo ka tirsan warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho oo lagu xidhay Hargeysa.

War saxaafadeed ka soo baxay xarunta xuquuqal Iinsaanka oo soo gaadhay Hadhwanaagnews ayaa u dhignaa sidan “Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay dawladda Somaliland ugu baaqaysaa inay xorriyadiisa u soo celiso Cumar Cali Xasan Seerbiya oo ah suxufi ka tirsan warbaahinta Goobjoog.

Cumar waxa laga qabtay 8 July gegida diyaaradaha ee Cigaal ee magaalada Hargeysa kadib markii uu ka soo noqday Muqdisho oo ah xarunta warbaahinta uu u shaqeeyo.

Cumar waxa lagu hayaa goobaan la sheegin, qoyskiisuna lama kulmin. Wax maxkamad ah lama keenin islamarkaana wax dembi ah laguma eedayn, dawladuna ma sheegin sababta ay u xidhay.

Qodobka 32(3) ee dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa “saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo  kasta  oo  lagu  cabudhinayo;  hawshoodana  xeer baa nidaaminaya.”

Xarunta Xuquuqal insaanku waxay walaac ka qabtaa xadhiga suxufiyiinta Somaliland iyo isticmaalka xeerka ciqaabta ee lagu dabaqayo warbaahinta, dhaqankaas oo ka soo horjeeda dastuurka iyo Xeerka Saxaafadda Somaliland.

Xaruntu waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xoriyadiisa u soo celiso suxufi Cumar Seerbiya.

 

 

Guleid Ahmed Jama

Chairperson of Human Rights Centre, Hargeisa Somaliland, webstie: http://www.hrcsomaliland.org/

Mobile: +252 63 4468227    Email: dafac02@hotmail.com

Blog: http://guleidjama.blogspot.com