Dabaysha Is Badal Doonka Oo Laga Dareemayo Degmada Alaybaday Iyo Saraakiil Ka Socota Xisbiga Waddani oo Dhaqdhaqaayo Siyaasadeed Ka Wadda.

Allaybaday(GNN)xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa foore siyaasadeed oo isbadal doon ah ka dhex istaadhay Degmada Alaybaday ee gobolka Gabilay,iyada oo todobaadyadan ugu danbeeyay bulshada ku dhaqan degmadaas laga dareemayay quluub midaysan oo ku jihaysan isbadal doon yoolkeegu yahay sidii loo heli lahaa xisbi hogaan dhawrsan oo maruun geediga Qarankan urara Cadaalad,Sinaan iyo horumar kaas oo waqtigan shacabka Reer Alaybaday u arkaan xisbiga mucaaradka ah ee Wadani sidoo kalana waxa guri kasta oo Ku yaal degmada Alaybaday la sudhay Calanka cas ee uu ku xardhan yahay xisbiga Wadani.
Dabaylahan Siyaasadeed ee u jihaysan isbadal doonka ayay sobob u yihiin haldoorka Alaybaday khaasatan kuwa ka soo jeeda Degmada Alaybaday oo ah baalasha ay ku duulayaan xiligan bulshada reer Alaybaday.
Xidigaha fooraha u ah Dabaysha isbadal doonka ah ee ka curatay degmada Alaybaday ayaa waxaa ka mid ah Daa,uud Food Cade oo ah haldooorka iyo aqoon yahanka Reer Alaybaday iyo xidiga kale ee C/raxmaan Yuusuf (Aw Xereeye) oo ka mid ah odayaasha reer Gabilay, sidoo kalana ka mid ahaa xildhibaanadii hore iyo qaar kale oo ka mid ah haldoorka bulshada Alaybaday oo intuba Saamayn xoogan ku leh hanashada quluubta reer Alaybaday ,waxaana maanta ku biiray xisbiga Wadani taageerayaashii ugu tirade badnaa ee ka soo jeeda degmada Alaybaday.
Dhinaca Kale waxaa dhawaanahanba ku sugnaa degmada Alaybaday Siyaasiyiin miisan leh oo ka soo jeeda deeganada Alaybaday kuwaas oo shir doceedyo kala duwan la yeeshay odayaasha,waxgaradka iyo dhalinyarada reer Alaybaday kuwaas oo sobob u noqday in ay gudho ishii taageero ee xisbul xaakimka Kulmiye Ka filayay bulshada Ku dhaqan degmada Alaybaday,waxaana ka mid ah Siyaasiyiintan C/raxmaan Yuusuf(Aw xereeye),Daa,uud Food Cade,MuuseMuxumed Yuusuf(Muuse galay),Ugaas C/risaaq Koosaar Cali oo dhamaantood ah xidigaha salka u ah jihada Alaybaday.
Waxaana la filayaa in guud ahaanba todobaadkan inagusoo fool leh ay bulshada ku dhaqan Degmada Alaybaday ay iska xaadiriyaan xisbiga Wadani kuwaas oo u quus goyn doona Dhigiisa Kulmiye.