Dawlada Somaliland Oo Jabuuti Ku Eedaysay Inay Dabada Ka Riixaysay Dedaal Uu Farmaajo Ku Doonayey Inuu Ku Joojiyo Saldhiga Imaaraadka Ee Berbera

Hargeisa(GNN):-Dawladda Somaliland ayaa dawladda Djibouti ku eedaysay inay dabada ka riixaysay isku day uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo doonayay inuu ku joojiyo qorshaha dawladda Imaaraadka Carabtu ku doonayso inay saldhig kaga samaysato magaalada Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland.

raaciyay in dawladda Soomaaliya qaaday olole ka dhan ah saldhiga Berbera ee Imaaraadka, ka dib markii ay dawladda Djibouti codsi arrintan la xidhiidha u gudbisay, “Djibouti waxay doonaysaa inay kooto ku haysato saldhigyada milatari ee shisheeye ee gobalka.” ayuu yidhi Baashe Cawil, wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabta oo ah wiil uu Madaxweyne Siilaanyo soddog u yahay.Warbaahinta lagu magacaabo Newsweek Middle East  ayaa shalay warbixin dheer ka qortay danaha Imaaraadka Carabta ee gobalka Geeska Afrika, waxaanay warbixintu diiradda saartay saldhigyada Milatari ee Imaaraadka Carabta ee Berbera iyo Casab ee Somaliland iyo Ereteriya, Waxa u waramay wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Baashe Cawil, oo sheegay in Djibouti doonayso inay kooto ku haysato saldhigyada milatari ee shisheeye ee gobalka Geeska Afrika , waxaanu intaas

Wuxuu intaas raaciyay inay Somaliland ku faraxsantahay inay arrimaha dhulkeeda u bandhigto dalalka ay saaxiibka la tahay si ay u jabiso kootada Djibouti ee saldhiygada milatari

Majalada Newsweek Middle East waxay sheegtay in saldhigan milatari uu mucaaradad kala kulmay dawladaha Soomaaliya iyo Djibouti. Wuxuu Newsweek Middle East  sheegay in 4 March, Imaaraadka Carabtu u yeedhay safiirkooda Soomaaliya si loo muujiyo sida looga xumaaday isku dayga ay dawladda Somaliya ku doonayso inay ku joojiso arrimaha saldhigaas. Ilo xogogaala ayaa warbaahintan u xaqiijiyay in yeedhmada safiirka ay amartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta. Newsweek Middle East   wuxuu sheegay in talaabooyinkani yimaadeen dibmarkii Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu Sucuudiga ka codsaday inay soo farogeliso in la joojiyo saldhigaas Imaaraadka Carabta.  Laakiin warbaahintan ayaa sheegtay inaanay Imaaraadka Carabtu u joojin isku daygaas islamarkaana ay sii horumarisay dhismaha saldhigeeda Berbera.

Wakiilka Somaliland, wuxuu sheegay in wada hadalada saldhiga ee Somaliland iyo UAE diirada lagu saaray dhaqaalaha iyo ammaanka, waxaanu sheegay in Imaaraadka Carabtu doonayo inuu sugo ammaanka gacanka cadmeed, halka ay Somaliland iyaduna doonayso inay sugto ammaanka biyaheeda, maadaama oo ay leedahay xeeb dhererkeedu yahay 850km oo u baahan ilaalin iyo feejignaan.

Waxa kale oo ay warbaahintani waraysatay Xildhibaan Axmed Dirir Cali oo ka tirsan golaha guurtida, kaas oo u sheegay in wada hadalada Imaaraadka iyo Somaliland ee saldhigu socdeen muddo ku siman laba ilaa saddex sannadood, kaas oo aakhirkii ay Somaliland aqbashay. “Waxa ku jira heshiiska in saldhiga Imaaraadka Carabtu u tababari doonaan ciidamadayada ammaanka iyo weliba sidoo kale kuwa milatariga heer ah inay ilaaliyaan dalkayaga.” ayuu yidhi xildhibaanku.

Source:-Wargeyska Geeska Afrika