Deg-Deg-Xaruntii Xisbiga Kulmiye ee Bariga Caasimada Hargeisa Xaafada (New Hargeisa) Oo La Burburiyey, Bulshadii Ku Sugnayd Oo ka Waramay Sidii Ay Wax u Dhaceen.

Hargeisa(GNN):- Waxaa Burbur Xoogan loo gaystay Xafiis Weyn oo Xisbiga Muxaafidka Ah ee kulmiye Ku Lahaa Xaafada New Hargeisa Ee bariga Caasimada hargeisa, iyadoo Qalabkii iyo Daaqadihii gurigaba lala Dhacay Dhagax, Arrintan Ayaa Kusoo beegmaysa Laba Cisho uun kadib markii Musharaxa Xisbiga Kulmiye iyo Taageerayaashii Soodhaweynasay safarkii uu kagaga soo laabtay gobolada bariga ee dalka lagala hortagay buuq iyo shied kadib markii waftiga gudoomiyuhu soo gaadhay xaafadaasi.

Arrintan Ayaa u Muuqata Mid Sababi karta Cawaaqib Xumo Soo Waajahda Ololaha Doorashada Ee la Doonayo inay Dalka uga Qabsoonto Si Nabadgalyo Ah haddii Aan Si degdeg Ah Xukuumada iyo Hayโ€™adaha Doorashada Ku Shaqada Lihi Wax uga Qaban.

20229250_216970142160130_8047382749355981256_n ddgggf gghhjjyy gghhtt ggttrre ggttrrffdd hhyytt

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network.

 

Reach US At :

00252634243848

XULASHADA GNN





Documentary ka hadlaya Dib-u-dhiskii Somaliland

Shirkii Tawfiiq ee Sheekh 1992