[Deg Deg] :- Xisbiga UCID Oo Shaaciyey Gobalka Uu Ka Soo Xulan Doono Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbigaasi +Muuqaal.

Hargeisa(GNN):-Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee xisbiga UCID Muddane Cabdirashiid Basbaas ayaa
waxaa uu shaaciyey deeganka uu gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ka soo xulan doono musharaxa madaxweyne ku xigeen

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in Musharax Faysal uu jagadaas diyaar ula yahay gobalada Bariga Somaliland ee Sool Sanaag iyo Cayn isla markana uu diyaar ula yahay waxaana uu yidhi

Gobalada Sool iyo Sanaag maanta waxaa ay diyaar u yahiin gudoomiye Faysal Cali Waraabe na uu diyaar la yahay musharaxa madaxweyne ku xigeenka , anaguna hadii aanu nahay labadaas gobal waajibka na saarani waxa weeye in aanu keeno nin xisbiga , dalka iyo dadka wax u tari kara ” ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID