Wasaarada Duulista Iyo Hawda Oo Cadeysay In Shaqaale Ka Tirsan Madaarka Hargeysa Shaqadii Looga Eryey Kadib Markii Ay Soo Dhaweyeen Musharax Cabdiraxmaan Ciro .

Hargeisa(GNN):-Afhayeenka wasaarada duulista iyo Hawada Somaliland ayaa waxaa uu maanta
soo saarey war saxaafadeed uu kaga hadlaayo warar shalay laga baahiyey wasaaradaas kaas oo ah in agaasimaha wasaarada Duulistu uu 2 qof oo shaqaale ka ahaa madaarka Hargeysa shaqadii ka eryey ka dib markii ay shalay soo dhaweyn oo ay salameen Musharax Cabdiraxmaan Ciro

IMG_ED68F0-B323D5-F52D4B-ADBCA6-CF68FE-62EB95-1

Masuulkan afhayeenka u ah wasaarada Duulista waxaa uu si cad u sheegay in sababta masuulyiintaas agaasimihu u eryey in ay tahay ka dib markii ay shaqadooda dayaceen soona dhaweyn Gudoomiye Ciro Waxaana Warsaxaadeedka Lagu Yidhi

“Waxaan halkan uga cadaynaynaa guud ahaan shacbi waynaha Somaliland iyo cid walba oo ay khusayso, in labadaas shaqaalaha ah ee shaqada looga joojiyay ay ka tirsan yihiin waaxda amniga ee madaarka caasimada, waxaana shaqada looga joojiyay ka dib markii ay ku kaceen dayacaad shaqo, iyaga oo soo cidleeyay shaqadii ay qaranka u hayeen ee ahayd baadhista dadka iyo rakaabka madaarka ka dhoofaya wakhti shaqadii socoto, iyaga oo ka qayb galay soo dhawaynta waftiga gudoomiyaha golaha wakiilada ahna musharaxa xisbiga wadani mudane Cabdiraxmaan Ciro ” Ayaa lagu yidhi war Saxafadeedkan