Faysal Oo Madal Madaxweynuhu Fadhiyay Ka Balan Qaaday Inuu Dhisi Doono Xukuumad Tiro-yar Haddii La Doorto –

Hoggaamiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa balan qaaday in haddii talada Somaliland loo doorto uu soo dhisi doono xukuumad ka kooban 18 wasiir oo u qalma inay qaranka hoggaamiyaan.

 

Eng. Faysal oo shalay hadal ka jeediyay shir loo sameeyay furitaanka wejiga labaad ee qorshaha horumarinta qaranka oo lagu qabtay Hargeysa, Madaxweyne Silaanyana goob joog ka ahaa wuxuu Faysal sheegay inay daciifeen hay’adaha dawladda Somaliland.

Ugu horayn wuxuu Faysal wasaaradda qorshaynta ku bogaadiyay diyaarinta qorshahan labaad ee horumarka qaranka oo uu ku tilmaamay mid haddii laga dhabeeyo wax badan u taraya dalka.

Faysal, wuxuu dhaliilay qorshihii hore ee horumarka qaranka oo uu tilmaamay inaan looga faa’iidaysan sidii la filayay, waxaanu soo jeediyay in qorshahan looga faa’iidaysto si mug leh.

Isagoo Faysal ka hadlaya golaha wasiirada madaxweyne Siilaanyo iyo golaha uu dhisi doono haddii talada loo doorto wuxuu yidhi  “Waxaanu jecelnahay inaanu wasaaradaha yarayno 68-kan wasiir  13 ayaanu ka soo reebi doonaa inshaalah. Meel kasta waxaanu gayn doonaa qofkii ku haboonaa oo wasiir aan cilmi lahayn oo siyaasad loo keenay reerkiisii ayuu ku noqon doonaa inshaalah.” ayuu yidhi Faysal oo markii uu hadalkan yidhi sacab badan loo tumay.

Faysal, wuxuu sheegay inuu dabac ku yimid hanaanka dawladeed, waxaanu wax aan macquul ahayn  ku tilmaamay lacagta adag ee dollarka ah ee ay Somaliland ku bedelato jaadka.