Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Magacaabis Sameeyay.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Magacaabis Sameeyay. Hargeysa (Ilays-News):- Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee gobalka Maroodi-Jeex ayaa

waxaa uu maanta magacaabey maamulka xisbiga Kulmiye ee degmada cadaadley

War-saxaafadeed

Ku: Xubnaha Maamulka Degmooyinka Cadaadlay ee Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga KULMIYE

OG: Gudomiyaha xisbiga KULMIYE = Hargiesa =

OG: Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE = Hargiesa =

OG: Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE = Hargiesa =

Ujeeddo: Maamulka Degmada Cadaadlay ee Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga KULMIYE

 

Waxaan digreeto Guddoomiye ku magcaabay maamulka xisbiga KULMIYE ee degmada Cadaadlay ee Gobolka Maroodi-jeex kadib:-

 

Markaan arkay muhiimadda ay magcaabistoodu u leedahay habsami-u-socodka hawlaha iyo abaabulka xisbiga KULMIYE,

Markaan ku qancay kartidooda iyo aqoontooda maamul,

Waxaan maanta oo ay bishu tahay 22 July, 2017 u magacaabay xubnaha hoos ku qoran inay noqdaan hawl-wadeenada degmada Cadaadlay ee Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE:

1.Yuusuf Cabdillaahi Maxamuud, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee degmada Cadaadlay

2.Muuse Cabdi Cilmi, Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE degmada Cadaadlay

3.Cabdirisaaq Aw Cabdi Xandulle, Xoghayaha xisbiga KULMIYE degmada Cadaadlay

4.Mahdi Aadan Yuusuf, Madaxa Abaabulka iyo Wacyigelinta xisbiga KULMIYE ee degmada Cadaadlay

5.Baxsan Ismaaciil Cilmi, Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee degmada Cadaadlay

6.Saleebaan Cabdi Ismaaciil, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Degmada Cadaadlay.

ALLAA MAHAD LEH.

Maxamed Iid Dhimbiil

_________________________________

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga KULMIYE