Donald Trump ayaa laga hayey inuu ku dooday wakhtigii uu doorashada u cararayey dabayaaqadii kal-hore. “Mid ka mid ah dhibaatooyinka waaweyn ee maanta jiraa waa in siyaasaddii ay noqotay sharaf-dhac oo aanay dadkii wanaagsanaa soo gelaynin dawladii.” “One of the key problems today is that politics is such a disgrace, good people don’t go into government.”
Filusoofkii Giriiga ee Plato, oo sharraxay saamaynta taban ee xilliga dadka wanaagsan ka hadhaan ka qaybgalka siyaasadda amma ay kaalin ka waayaan; waxaannu yidhi “Ciqaabaha ka dhasha inaad ka qaybgeli waydo siyaasaddu waxay sababtaa inaad ku dambayso inay ku xukumaan qaar iin ka leh kartida, aqoonta iyo waayo aragnimadaba.” “One of the penalties for refusing to participate in politics is that you end up being governed by your inferiors.”
Ra’iisu-wasaarihii hore ee Ingiriiska, Winston Churchill, oo ku xijaabtay 90 jir 24-kii January 1965-kii, ayaan halku-dhigyadiisii ka soo qaatay saddarkan oo uu isku barbar-dhigay dagaalka qoriga iyo ka siyaasadda, waxaannu yidhi: “Dagaalka waxa lagu dilli karaa uun hal mar, laakiin siyaasadda waxa lagaa adkaan karaa marar badan.” “In war you can only be killed once, but in politics many times.”
Madaxweynihii 16-aad ee Maraykanka, Abraham Lincoln oo sharci-yaqaan gaamuray ahaa, ayaa ummadaha masuuliyiintooda soo doorta ugu bushaareeyay awoodaha culus ee gacmahooda ku jira, waxaannu ku qowlay; “Codbixintu waxay ka xoog badan tahay rasaasta” “The ballot is stronger than the bullet.”
Halyaygii Faransiiska ee Charles De Gaulle, ayaa tilmaamay astaamaha siyaasiga gurracan, waxaana laga guntay “Siyaasiga aan aaminsanayn waxa uu yidhaahdo, wuu la yaabaa marka uu arko qaar isaga ayidsan.” “Since Politician never believes what he says, he surprised when others bleive him.”
Aan ku soo khatimo tudduc ku jiray maansadii Dabataxan ee Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), waxaannu si xeel-dheeri iyo xigmadi ku jirtay innoogu hoggotusaaleeyay waajibaadka culus ee aynu ka doonayno inay dawladeennu waddanka u qabato.
“Waxa maanta ii daran
Qaran haga dadweynaha;
Qaran damal sidiisii
Noo dallaalimeeyoo
Soo taabta darafyada;
Qaran aan dir-sooc jirin
Qaran aan ahayn dulin
Nabad-doonka beeshiyo
Raacatada dulsaar ku ah;
Qaran aan dirsada oo
Anigaysku kay dirin;
Qaran iigu soo dara
Aan iiga sii darin;
Qaran gudaha daafaca
Dibeddana aqoonsi leh.”