WARARKA




Halku-dhigyo Dimuqraadiyada Laga Yidhi oo Xilligan ka Taagan Somaliland

Donald Trumpย  ayaa laga hayeyย  inuu ku dooday wakhtigii uuย  doorashadaย  u cararayey dabayaaqadii kal-hore. โ€œMid ka mid ah dhibaatooyinka waaweyn ee maanta jiraa waaย  in siyaasaddii ay noqotay sharaf-dhac oo aanay dadkii wanaagsanaaย  soo gelayninย  dawladii.โ€ย  โ€œOne of the key problems today is that politics is such a disgrace, good people donโ€™t go into government.โ€

Filusoofkii Giriiga ee Plato, oo sharraxay saamaynta taban ee xilliga dadka wanaagsan ka hadhaan ka qaybgalka siyaasadda amma ay kaalin ka waayaan; waxaannu yidhi โ€œCiqaabaha ka dhasha inaad ka qaybgeli waydo siyaasaddu waxay sababtaa inaad ku dambayso inay ku xukumaan qaar iin ka lehย  kartida, aqoonta iyo waayo aragnimadaba.โ€ โ€œOne of the penalties for refusing to participate in politics is that you end up being governed by your inferiors.โ€

Raโ€™iisu-wasaarihii hore ee Ingiriiska, Winston Churchill, oo ku xijaabtay 90 jir 24-kii January 1965-kii, ayaanย  halku-dhigyadiisii ka soo qaatay saddarkan oo uu isku barbar-dhigay dagaalka qoriga iyo ka siyaasadda, waxaannu yidhi: โ€œDagaalka waxa lagu dilli karaa uun hal mar, laakiin siyaasadda waxa lagaa adkaan karaa marar badan.โ€ โ€œIn war you can only be killed once, but in politics many times.โ€

Madaxweynihii 16-aad ee Maraykanka, Abraham Lincoln oo sharci-yaqaan gaamuray ahaa, ayaa ummadaha masuuliyiintooda soo doorta ugu bushaareeyay awoodaha culus ee gacmahooda ku jira, waxaannu ku qowlay; โ€œCodbixintu waxay ka xoog badan tahay rasaastaโ€ โ€œThe ballot is stronger than the bullet.โ€

Halyaygii Faransiiskaย  eeย  Charles De Gaulle, ayaa tilmaamayย  astaamaha siyaasiga gurracan, waxaanaย ย  laga guntay โ€œSiyaasiga aan aaminsanayn waxa uu yidhaahdo, wuu la yaabaa marka uu arko qaar isagaย  ayidsan.โ€ย  โ€œSinceย  Politician never believes what he says, he surprised whenย  others bleive him.โ€

Aan ku soo khatimoย  tudduc ku jiray maansadii Dabataxanย  ee Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), waxaannu si xeel-dheeri iyo xigmadi ku jirtay innoogu hoggotusaaleeyay waajibaadka culus ee aynu ka doonaynoย  inay dawladeennu waddanka u qabato.

โ€œWaxa maanta ii daran

Qaran haga dadweynaha;

Qaran damal sidiisii

Noo dallaalimeeyoo

Soo taabta darafyada;

Qaran aan dir-sooc jirin

Qaran aan ahayn dulin

Nabad-doonka beeshiyo

Raacatada dulsaar ku ah;

Qaran aan dirsada oo

Anigaysku kay dirin;

Qaran iigu soo dara

Aan iiga sii darin;

Qaran gudaha daafaca

Dibeddana aqoonsi leh.โ€