DHUL-GARIIR!.Q2aad. W/Q:C/naasir Guray Meecad(Qoraa iyo Mufikir).

Waa Maqaaladeennii sheegayey Astaamaha Muujinaya Guusha Muuse Biixi Cabdi.
Waxaan Qormadeennii hore kaga soo Hadalnay,Waxay u taagan yihiin Saddexda Magac ee Musharraxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,Oo Aan soo Tilmaanay inay tahay 1)Guushiisa kala soco Telefishannada.
Halka Markaan Xaraf Xaraf u tirinay Magacyadana ay inoo soo baxday
2)Tirada Codadka uu Doorashada ka Helayo insha Allah,Intaa ka dibna Aan Boqolley(Percentage%)u rognay inta uu Xisbi Waliba helayo,soona baxday Kulmiye 72%, Waddani 18%,Ucid 10%.

Ayaa waxaynu Qormadeenan Labbaad Aan Ku soo Qaadan Doonnaa,Sida uu Sannadku 2017-Ku u yahay mid ka mida Astaamaha  Tilmaamaya Guusha Aan Caad saarnayn ee Musharraxa Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi uu ka gaadhayo Doorashada.

Haddaba sideebuu Sannadku Guusha Muuse u Caddeynayaa?.
Ha iga degdegin indhahaaga fur,Si Fiicana iila soco Meelna Ku Qoro Arrimahan Aan Tilmaani doonno.
Waa sidan;-
Haddaad si fiican iila socoto Waxaad Arkaysaa Marka Sannadku sidan u Qoran yahay 2017,In Halku(Kowda 1)uu Ganto (farraaq) leeyahay u jeeda dhinacaaga bidix, Hadaba haddii Gantadaa kowda kaaga Muuqata 1loo jeediyo dhinacaaga Midig ee uu ka Xigo Numberka Todobadu 7,Noqotana kowda(1)oo loo jeediyay dhinaca Todobada(7) waxaa isku imanaya isna taabanaya labbada Ganto ee labbada Number 17,Oo Markay istaabtaan ay ka soo baxayso Xarafka (M)Taasi oo Aan isla Garanayno Cida ay Magaciisa ugu Horeyso Xarafka (M)du Waana Muuse.

Hadda Ma kuu dhacday sheekhow Macquul Maaha waadigii lahaaye!.

Ku Darsoo Doorashadani waxay dhacaysaa Taariikhda 17.11.2017.
Haddaba Haddaad fahantay sida la iskaga soo hor jeedinayo Gantooyinka,Marka aad Todoba iyo Tobanka ugu Horeeyay Taariikhdaas ay Doorashadu dhacayso Gantooyinka iska soo horjeeda(Gantooyinka isku Fiiqan) Waxay noqonaysaa Sidan;17(M) halka aad labbada Kowna midka hore Gantadiisa Aad u jeedinayso dhanka Gantada afka kowda1 danbe ay iyaguna Sidan Ka soo Baxayso 11(M).Iyada oo sidan si leeg aynu markii Sannadka Kowda iyo Todobada aan iska horkeenay ay iyadna inoo soo baxeen 17(M).
Haddaba Maxay Saddexdaas M(3M)ka Dhigan yihiin?
Tirada Maalinta Doorashadu dhacayso 17(M)Bisha 11(M)iyo Sannadka 17(M)Waa Sidan;MMM,
Oo ka dhigan;-M(Mudane)M(Madaxweyne)
M(Muuse).Mudane Madaxweyne Muuse Hambalyo.
Sannadka Marka Labbada Tiro ee ugu danbeeyaa soo baxeen 17(M)Oo ah Muuse,Waxaa soo
Hadhay Tirada Labbaatan(20).

Haddaba Maxay Labbaatankani inoo sheegaysaa Ama inooga dhigan tahay?.

Waa Inta Sannadood ee Mudane Madaxweyne Muuse uu Tallada Dalka Hayn Doonno Ama Xukumayo ee uu ka Arrimin doonno 20Sannadood insha Allah.

Waa Malo Malayntii iyo Maqaaladeennii Dhul-Gariir ee Malo Awaalka Astaamaha Muuqda ee Guusha Muuse.Malena Waa ka ILaah.ILaahow Malo Malaysanee noo Meel Mari Aamiin.

La soco……………………..……………
W/Q:C/naasir Guray Meecaad 065-9097073/0634462703.
Email:Noolahabadan3@gmail.com
Facebook:Naasir Meecaad.