Borobogaandadii Puntland Oo Xadhkaha Goosatey: Kuye Shabaab Ayaa laga Soo Diraa Burco, Xidhiidhka ka Dhexeeya Puntland iyo Daacish Oo La Ogaadey.

Maamulka puntland ayaa ka abaabuleyey colaad iyo dhibaatooyin deegaano badan oo ka tirsan jamhuuriyada Somaliland arintaa oo uu wadey maamulkani ilaa markii la aas aasey ee sanadkii 1998.

Coalaada uu wado maamulkan ayaa leh noocyo iyo wajiyo badan oo dhamaan soo fashilmey, hada baryahan danbe ayuu maamulkani iskugu geeyey awoodiisa dhinaca barobogaandada.

Tan iyo Markii ay faraha ka baxdey taladii gudaha ee maamulka majeerteeniya oo ay si fiican ugu milmeen maleeshiyaadka Shabaab iyo Daacish, wuxu maamulkani bilaabey qorshe isdaba jooga oo ay mar walba ku soo celiyaan in shabaab laga soo diro Somaliland, iyagoo aamin san fikrada ah ‘ku celceli beenta si loo rumeysto’.

Culimadiii lagu laayey deegaanada maamulka ayaa iyadoo aaney hubsan markiiba ay ku eedeyn jireen Somaliland iney ka danbeyso, xataa qolodii ka soo weerarta dhinaca badweynta Hindiya waxey markii hore ku eedeeyeen Somaliland.

Dhinaca kale deegaano badan oo ka tirsan maamulka ayaa waxa ka taliya Maleeshiyaadka Daacish Oo gooyey Badi is gaadhsiintii deegaanadaas oo u badan Xeebaha bari ee Maamulkan.

Sir la ogaadey Oo soo shaacbaxdey ayaa sheegeysa in Madax ka tirsan maamulkani ay xidhiidh hoose la lahaayeen maleeshiyaadka Alshabaab oo ay rabeen iney usoo waaridaan dhinaca Somaliland iyagoo adeegsanaya Buuraha Galgala, laakiin horaa loo yidhi booraan hadimo ka qodine, Shabaab iyagii bey isku rogtey.

Waxey Mar labaad isku dayeen iney isticmaalaan Magaca kooxda Daacish oo in badan oo ah xubnihii beesha Majeerteen ee ka tirsanaa kooxda shabaab waxay la baxeen oo ay raaceen maleeshiyaadka kooxdan cusub ee Daacish oo ay hoosta kaga xidhanyihiin Madaxda puntland iyo sirdoonka maamulkani oo isticmaala kooxda iskana dhiga rag la dagaalamaya Argixixisada si hub loo siiyo, laakiin arintan ayay ka war heleen mukhaabaraadka dalalka reer galbeedka oo kaga baxey dagaalkii ka socda deegaaanada maamulkan, wax hubana aan ugu deeqin.

Waxa la ogaadey in ninka hogaamiya Daacish ee lagu magaaco Cabdiqaadir muumin inuu xidhiidh hoose la leeyahey badi madaxda maamulkan si toosana ay u wada xidhiidhaan, ninkan oo dhalasho ahaana ka soo jeeda isla beesha majeerteen, ayaa hore ugu noolaa dalka ingiriiska, markii dambana maamulkani u yeedhey si uu ugu soo noqdo uu qorshaha ay wataan ka caawiyo.

Madaxweynaha maamulkan ayaa la sheegey in shir ka dhacey Magaalada Muqdisho uu ka dalbadey maamulka farmaajo inuu soomaliland ku eedeeyo argagixisanimo si ay puntland qiil ugu hesho ujeedadii ay maaganeyd, arinta ayaa waxa ka diidey sida ilo lagu kalsoon yahey sheegeen raysalwasaaraha Soomaaliya.

Hadaba dawlada Somaliland waxa ku waajiba iney ogaato oo ay ka warhesho mu’aamarada dhagareysan ee maamulkani wado, oo ay ugu dambeysey rag ay yidhaahdeen burcaa laga soo direy oo galgala ayey u socdeen.

Log11