Hanbalyo Ku Socota Wasiirka Cusub Ee Madaxweynuhu u Magacaabay Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha,Cilmi Baadhista iyo Tichnology-yada.

 Anigoo Ah Xildhibaan Iid Xassan Cabdi Waxaan Halkan Hanbayo Uga Dirayaa Wasiirka cusub ee Madaxweynaha Qaranka Somaliland U Magacaabay Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha,Cilmi Baadhista iyo Tichnology-yada, mudane  AXMED XAAAJI DAAHIR CILMI 

Waa Masuul Khibradd Iyo Waayo Aragnimo U Leh Shaqada Qaranka iyo U Adeegista Bulshada

Waa Masuul  Ku Tilmaaman Sidii Uu Hore ugaga Soo Baxay Wasaaradihii hore ee uu Shaqooyinkan Wasiirnimo kasoo noqday, Sida Wasaarada Warfaafinta Qaranka Somaliland  oo uu ahaa Wasiirki ugu Adkaa Dhinaca Maamulka Ee Wasaaradaasi Waxbadan Oo Loo aayeyna Ka Bedelay,

Waa Shaqsi Laga Dhigan Karo Tilmaan iyo Hogaan Himilo Fog.

Sidoo Waxaa La ogyahay Sidii uu Doorka ugu Lahaa Waxqabad Xukuumadii madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Waxaan Ilahay uga Baryayaa Inuu Ku Xilkaa Qaranka Ee Loo magacaabay una Fudaydiyo Masuuliyadaasi Loo igmaday.

 

W/Q:-  Xildhibaan Iid Xassan Cabdi.

Golaha Deegaanka Gabiley.