Halku-dhigyo Dimuqraadiyada Laga Yidhi oo Xilligan ka Taagan Somaliland

Donald Trump  ayaa laga hayey  inuu ku dooday wakhtigii uu  doorashada  u cararayey dabayaaqadii kal-hore. “Mid ka mid ah dhibaatooyinka waaweyn ee maanta jiraa waa  in siyaasaddii ay noqotay sharaf-dhac oo aanay dadkii wanaagsanaa  soo gelaynin  dawladii.”  “One of the key problems today is that politics is such a disgrace, good people don’t go into government.”

Filusoofkii Giriiga ee Plato, oo sharraxay saamaynta taban ee xilliga dadka wanaagsan ka hadhaan ka qaybgalka siyaasadda amma ay kaalin ka waayaan; waxaannu yidhi “Ciqaabaha ka dhasha inaad ka qaybgeli waydo siyaasaddu waxay sababtaa inaad ku dambayso inay ku xukumaan qaar iin ka leh  kartida, aqoonta iyo waayo aragnimadaba.” “One of the penalties for refusing to participate in politics is that you end up being governed by your inferiors.”

Ra’iisu-wasaarihii hore ee Ingiriiska, Winston Churchill, oo ku xijaabtay 90 jir 24-kii January 1965-kii, ayaan  halku-dhigyadiisii ka soo qaatay saddarkan oo uu isku barbar-dhigay dagaalka qoriga iyo ka siyaasadda, waxaannu yidhi: “Dagaalka waxa lagu dilli karaa uun hal mar, laakiin siyaasadda waxa lagaa adkaan karaa marar badan.” “In war you can only be killed once, but in politics many times.”

Madaxweynihii 16-aad ee Maraykanka, Abraham Lincoln oo sharci-yaqaan gaamuray ahaa, ayaa ummadaha masuuliyiintooda soo doorta ugu bushaareeyay awoodaha culus ee gacmahooda ku jira, waxaannu ku qowlay; “Codbixintu waxay ka xoog badan tahay rasaasta” “The ballot is stronger than the bullet.”

Halyaygii Faransiiska  ee  Charles De Gaulle, ayaa tilmaamay  astaamaha siyaasiga gurracan, waxaana   laga guntay “Siyaasiga aan aaminsanayn waxa uu yidhaahdo, wuu la yaabaa marka uu arko qaar isaga  ayidsan.”  “Since  Politician never believes what he says, he surprised when  others bleive him.”

Aan ku soo khatimo  tudduc ku jiray maansadii Dabataxan  ee Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), waxaannu si xeel-dheeri iyo xigmadi ku jirtay innoogu hoggotusaaleeyay waajibaadka culus ee aynu ka doonayno  inay dawladeennu waddanka u qabato.

“Waxa maanta ii daran

Qaran haga dadweynaha;

Qaran damal sidiisii

Noo dallaalimeeyoo

Soo taabta darafyada;

Qaran aan dir-sooc jirin

Qaran aan ahayn dulin

Nabad-doonka beeshiyo

Raacatada dulsaar ku ah;

Qaran aan dirsada oo

Anigaysku kay dirin;

Qaran iigu soo dara

Aan iiga sii darin;

Qaran gudaha daafaca

Dibeddana aqoonsi leh.”