Maalintan Oo Kale 17.7.1988 iyo Dumintii Hargeysa!!!

Sawirkan idiin muuqdaa waa calooshood u shaqaystayaashii duuliyayaasha ahaa ee dawladdii Somaliya ka soo kiraysatay koonfur afrika iyo Zambabwi. Kuwaas oo amar ku qabay inay dumiyaan magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Sawirkan oo calooshood u shaqaystayaashu ay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, bidix ka bilow: 1. R. Blythe Wood……Pilot. 2. M. Shegnuller………..Pilot. 3. D.R Jakson…Chie Engineer. 4.K.Jonnes…….. Engines. 5. Magaciisa ma hayno. 6.C.D Balfour……Armaments. 7.J.D. Hurrel…………….Airframes.

Maalinimadii 17.July.1988-kii, dawlad ku sheegtii Soomaaliya waxay go’aan ku gaadhay in magaalada Hargeysa la baabi’yo, iyadoo cirka iyo dhulba laga duqaynayo. Amarkaas oo isagoo Fiidyow ah la heli karo, taliyihii qaybta 26-aad oo ahaa Jeneraal Axmed Warsame, wuxuu ciidankiisii faray “In aan “Tuke” mooyee wax bini aadam ah oo dhaqdhaqaaqa lagu arag magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda”. Xitaa maatadii dhaawaca ahayd ee geed-deeble taalay in la laayo ayuu go’aamiyay!.

Hawl-galkaas oo dhawr usbuuc socday, wuxuu keenay in magaalada Hargeysa dhulka lala simo oo la baabi’íyo dad iyo duunyo wixii ku dhex jirayba. Dagaalkan waxaa qayb weyn ka qaatay duuliyayaasha sawirkan idiinka muuqda oo ay dawlad ku sheegtii Soomaaliya ka soo kiraysatay, waddamada Koonfur afrika iyo Zambabwi.

Sida ku taala warbixin uu qoray weriye Osman Abdillahi Sool. Ciidankii cirka ee Hargeysa burburiyay, waxaa madax u ahaa Gaashaanle Sare Farah Siciid. Duuliyayaashii Soomaalida ahaa ee burburinta Hargeysa ka qayb qaatayna waxaa ka mid ahaa.

1-G/sare Khaliif Ciise Yuusuf Taliyihii Ciidankii Cirka ee Balidoogle.

2.G/sare Maxamed Adan Dirir Taliyihii Ciidankii Cirka ee Berbera.

3-G/sare Yuusuf Maxamud Maxamed ….Duuliye Mig 17.

4-G/sare Mursal Xaaji Axmed *Muufo* ……..Duuliye Mig 19.

5-G/sare Maxamed Xasan Raage ………Duuliye Mig 19, Ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo soo dhacday….Cilad-farsamo

6-G/sare Xuseen Aadan Ibrahim ……Duuliye Mig 19, Ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaaya oo SNM soo riday

7-G/sare Ahmed Gurxan Hoori ………….Duuliye Mig 19, Ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo SNM soo riday

8-G/sare Maxamed Axmed Xaayow ……….Duuliye Mig 19, ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo soo dhacday…..Cilad-farsamo

9-G/sare Xirsi Maxamed Faarax ……….Duuliye Mig 19

10-G/dhexe Cadulaahi Xaaji .. Taliye-ku-xigeenkii Salidhiga Baydhabo.

11-G/dhexe Maxamud Xaaji Warsame …Duuliye Hunter.

12-G/dhexe Moxamed Khaliif Isaaq ………Duuliye Hunter, ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo SNM soo riday.

Duulaankii lagu soo qaaday shacabka Somaliland ma noqon mid guuleysta, wuxuusa ku danbeeyay in ciidankii xooga is bidaayey ay ururkii dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed ee SNM mudo labba sano gudahood ah ay ku baabi’iyaan, oo xukunkiisii ku soo afjaraan, kana xoriyeen guud ahaanba geyiga Somaliland.

 

Souce: Suleyman Yuusuf-Dhakhtar