Mareykanka Iyo Qatar oo Kala Saxiixday Heshiis

Dowladaha Mareykanka iyo Qatar ayaa Talaadadii wada saxiixday heshiis is-faham ah oo ka dhan ah argagixisada, xilli ay wali taagantahay xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan dalalka Khaliijka.

Isaga oo dhinac taagan Wasiirka arrimaha dibada Qatar Mohammed bin Abdulrahman al-Thani, ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ku dhawaaqay in heshiiskani uu yahay mid tallaabo loogaga qaadayo kuwa maalgeliya argagixisada.

Mr. Tillerson ayaa shalay isu maray caasimadaha Qatar iyo Kuwait, halka maantana la filayo inuu tago magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudiga si uu ula kulmo madaxda dalalka go,doomiyey Qatar.

Dowladaha Saudi Arabia, Isutaga Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Masar ayaa shanti bishi June jaray xiriirkii diblamaasiyadeed ee kala dhaxeeyey dalka Qatar kadib marki ay ku eedeeyeen in Doha ay taageerto argagixisada.

Qatar waa ay beenisay eedaha loo soo jeediyey.