Shacabka iyo Ururada Arimaha Bulshada Somaliland Oo Si Weyn uga Biyo Diiday Mashruucyo Lagu Soo Qorsheeyey Muqdisho Laguna Majara Habaabinayo Nabada Qaranka.

Hargeisa(GNN):-Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u muuqda inay si weyn uga biyo diideen mashruuca Fursad Fund oo ah mashruuc laga aasaasay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, kaas oo uu aasaskiisa lahaa wasiirkii qorshaynta ee dawladii Xasan Sheekh Mr. Cabdiraxmaan Caynte.

Mashruucan Fursad Fund oo ay dadka badankoodu aaminsanyihiin inuu yahay mashruuc siyaasadeed oo ay ka dambayso aragtida dawladda Somaliya, ayaa wuxuu doonayaa inuu Magaalada Hargeysa ku qabto carwo shaqo abuur oo ay ugu magac dareen Hargeysa job fair, taas oo ay ku soo bandhigi doonaan aragtiyo ku saabsan shaqo abuurka iyo isdhexgalka dhallinyarada Muqdisho iyo Hargeysa.

Haddaba, dhallinyaro tiro badan oo reer Somaliland ah
ayaa baraha ay bulshadu ku xidhiidho waxay ku faafiyeen aragtida rasmiga ah ee mashruucan oo ah inuu hoostago dawladda Somaliya, waxaanay dawladda iyo shacabka ugu baaqeen in laga taxadiro mashruucan Fursad fund oo ay suurtogal tahay in si boodh isku qarin ah loogu soo dhiibo dad reer Somaliland ah, waxaana jira baaqyo isa soo taraya oo dawladda ku socda oo lagaga dalbanayo inay joojiso in kooxdaasi ka qabsato carwadaaAy ugu magac dareen Hargeysa job fair

Dawladda Somaliland ayaan weli jawaab rasmi ah ka bixin baaqyadan dhallinyarada ee ah sida looga biyo diiday mashruucan. Waxase la filayaa in dawladda Somaliland aqbasho soo jeedimaha dhallinyarada iyo baaqyada ka dhanka ah Fursad fund

:-Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u muuqda inay si weyn uga biyo diideen mashruuca Fursad Fund oo ah mashruuc laga aasaasay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, kaas oo uu aasaskiisa lahaa wasiirkii qorshaynta ee dawladii Xasan Sheekh Mr. Cabdiraxmaan Caynte. Mashruucan Fursad Fund oo ay dadka badankoodu aaminsanyihiin inuu yahay mashruuc siyaasadeed oo ay ka dambayso aragtida dawladda Somaliya, ayaa wuxuu doonayaa inuu Magaalada Hargeysa ku qabto carwo shaqo abuur oo ay ugu magac dareen Hargeysa job fair, taas oo ay ku soo bandhigi doonaan aragtiyo ku saabsan shaqo abuurka iyo isdhexgalka dhallinyarada Muqdisho iyo Hargeysa. Haddaba, dhallinyaro tiro badan oo reer Somaliland ah ayaa baraha ay bulshadu ku xidhiidho waxay ku faafiyeen aragtida rasmiga ah ee mashruucan oo ah inuu hoostago dawladda Somaliya, waxaanay dawladda iyo shacabka ugu baaqeen in laga taxadiro mashruucan Fursad fund oo ay suurtogal tahay in si boodh isku qarin ah loogu soo dhiibo dad reer Somaliland ah, waxaana jira baaqyo isa soo taraya oo dawladda ku socda oo lagaga dalbanayo inay joojiso in kooxdaasi ka qabsato carwadaaAy ugu magac dareen Hargeysa job fair Dawladda Somaliland ayaan weli jawaab rasmi ah ka bixin baaqyadan dhallinyarada ee ah sida looga biyo diiday mashruucan. Waxase la filayaa in dawladda Somaliland aqbasho soo jeedimaha dhallinyarada iyo baaqyada ka dhanka ah Fursad fund