Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Hanjabaad Culus U Direy Dadka Hurinaya Colaada Degmada Cel-afwayn,

DAAW   WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOMALILAND OO KA HADLEY DAGAAL SHALAY LABA BEELOOD KU DHEX MARAY GOBALKA SANAAG FARIIN HANJABAAD AHNA HAWDA U MARIYEY Hargeysa(SM)July.29,2017-Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Prof Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon”  ayaa ka hadlay shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Dararwayne ee degmada Ceel-afwayn,waxaana uu sheegay in hadda ciidamada Qaranka Somaliland ku kala dhex jiraan oo dawlad ahaan waajibkoodii ka gudanayaan,waxaana uu digniin culus u direy cid walba oo colaadda hurinaysa,waxaanuu sheegay in aanay cidna ka yeelaynin hurin dagaal,isaga oo tilmaamay inay qabanayaan cid walba oo dhib wada.Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” oo u waramay Geeska Afrika ayaa sidoo kale xisbiyada Qaranka Somaliland ugu baaqay inay si sharciga waafaqsan oo ku salaysan Barnaamijkooda siyaasadeed ay ku tartamaan,balse aanay qabyaaladd ku tartamin,waxaana uu xusay in qabyaaladda khasaare mooyee aanay wax faa’iido ah lahayn,waxaana ugu horeyn yidhi

“Waxaan ku  baaqayaa in nabadgaliyada la ilaaliyo,in xasiloonida la ilaaliyo iyo colaadda iyo xasilooni daradda la joojiyo oo dhinac walba joojiso,in waxii dhib ah ee dhacayna loo daayo dawladda,sidii ay wax u dhaceena dawladda ayaa qorshaynaysa sidii ay wax uga qaban lahayd,dadka gawaadhida wata ama jidgooyada samaynaya ama doonaya inay colaad huriyaana gacan bir ah ayey dawladu ku qabanaysaa.Iminka ciidamada ayaa ku kala dhex jira oo ciidanka ayaa nabadgaliyada sugaya inta la isku imanayo ee dawladdu labada dhinac iskugu keenayso in dhibka la joojiyo Ayaan soo jeedinayaa”sidaas ayuu yidhi wasiir Faratoon.

“Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray “Dadka iyagu hurinaya colaadda ama kharash ku bixinaya waa danbiilayaal iyo fidmo wadayaal oo  gacan bir ah ayaa lagu qabanayaa loona arxami maayo,odayaashana waxaan u sheegayaa inay dadka qanciyaan oo ay dhibka ka saaraan oo wanaag iyo nabadgaliyada ku qanciyaan”

Wasiirka arrimaha gudaha oo ka hadlaya xisbiyada Qaranka iyo qabyaaladda ayaa waxa uu yidhi “ Dalku qabyaaladd horumar kuma gaadhayo lu’gooyo mooyee,qabyaaladdu waxay burburiso mooyee wax ay tartaa ma jirto,dalku wuxuu horumar ku gaadhi karaa in siyaasadd lagu tartamo oo xisbiyadu soo bandhigaan barnaamijyadooda siyaasadeed iyo sidii uu dalku horumar ugu sii gudbi lahaa ee qabyaaladd iyo is difaac dalkani  horumar ku gaadhi mayo,dadkuna halkaas ay joogaan dhaafi maayaano ee xisbiyadu barnaamij iyo siyaasadd haku tartamaan”sidaas ayuu yidhi wasiir Faratoon”.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” ayaa mar uu ka hadlayay qaadashada kaadhadhka codbixiyayaasha ee ka bilaabmi doonta gobolada Sool iyo Sanaag ayaa waxa uu yidhi

“Labada gobol ee Sool iyo Sanaag,waxa ka bilaabmi doonta kaadh qaadashadii,guud ahaan dadku waa og yihiin in kaadhka la qaadanayo,markaas waxaan ugu baaqayaa kuna baraarujinayaa in aanay dhayalsan arrintaas,kaadh qaadashada iyo codaynta doorashaduna waa waxa kaliya ee qof walba u talada dalka kaga qayb qaadan karo,kuna muujin karo siyaasadda iyo hogaaminta talada dalka,waxaan qof walba ku dhiirigalinayaa in la is abaabulo oo la is booriyo oo aan wakhtiga la iska dayicin,kaadhkana la qaato,dad badan baa is dhayalsaday oo intii ay islahaayeen suga wakhtigii ka dhacay ee kaadhadhka hala qaato”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiir Faratoon.