Wasiirka Cusub Ee Madaxweyne Siilanyo U Magacaabey Wasaaraada Xidhiidhka Golayaasha Oo Ka Hadley Xurguf Hore U Soo Kala Dhex Martay Siilanyo

Axmed Xaaji Daahir oo Madaxweyne Siilanyo Shalay u magacaabey Wasiirka Cusub ee
wasaarada xidhiidhka Golayaasha Somaliland ayaa waxaa uu ka hadley magacaabistaas isaga oo madaxweynahana uga mahad Celiyey

Sidoo kale Wasiirka cusub ayaa waxaa uu ka Hadley xurguf siyaasadeed oo hore u soo kala dhex martey isaga iyo madaxweyne Siilanyo wakhtigii doorashada ee 2010-kii

Axmed Xaaji Daahir ayaa wakhtigaas waxaa uu ahaa wasiirka warfaafinta xukuumadii Daahir Riyaale waxaana uu warbaahinta ka sheegay in uu kiniin cuni doono hadii uu Siilanyo ku guuleystayo talada dalka , balse waxaa uu iminka noqdey wasiir ka mid ah xukuumada Siilanyo , waxaana uu arintaasi ku tilmaamay in ay ragi nimadi ku jirto in ay ragu wax isku qaban karaan waxna kala goosan karaan