Xiisad Adag Oo Ka Taagan Magaalada Buuhoodle Iyo Ciidamo Abaabulan Oo Weeraray Prof. Cali Khaliif Galaydh.

Buuhoodle(GNN):-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ayaa waxay sheegayaan in xiisad adagi ka taagan tahay magaalada Buuhoodle ee gobolka cayn.

Xiisadan ka taagan Buuhoodle ayaa ka dhalatay kadib markii khilaaf culus uu soo kala dhex galay horjoogaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo ku xigeenkiisa oo loo yaqaano Cagalule kaas oo kasoo horjeestay heshiiskii ay kala saxeexdeen dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo,waxaana khilaafkaasi uu sababay in Cagalule oo wakhti xaadirkan ku sugan Muqdisho uu abaabulo ciidan ay hubeeyeen maamulka Puntland,kuwaas oo kasoo horjeestay inuu gudaha Buuhoodle usoo galo horjooge Cali Khaliif Galaydh.

waxaana xogo goor dhawayd naga soo gaadhay Buuhoodle ay sheegayaan in ciidamadaasi hubaysan ay isku dayeen inay deegaanka Widh-widh ee gobolka Sool saaka subaxii hore ku weeraraan kuna soo qabtaan horjooge Cali Khaliif Galaydh,waxaana ciidamadan lagu horjoogsaday sida naloo sheegay deegaanka Dandan oo Buuhoodle ka tirsan.
Ciidamadan abaabulan ee maamulka Puntland dabada ka riixayso isla markaana damacsanaa inay soo qabtaan Cali Khaliif Galaydh ayaa waxa deegaankaasi ku horjoogasaday odayaal iyo waxgarad kasoo baxay Buuhoodle.
Xiisada Buuhoodle ayaa hadda maraysa meel adag,waxaana laga cabsi qabaa in dagaal dhex maro ciidamadan abaabulan ee dabada ka riixayaan maamulka Puntland oo iyagu si wayn uga soo horjeeda wada hadalada dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaaaatumo iyo ciidamada taabacsan horjoogaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh.