“Kitaab Haddii Maanta La Ii Keeno Waxaan Ku Dhaaranayaa Inaanu Jirin Wasiir Ku [Fikiray] Inuu Waxbarashada Wax Ka Qabto”

“Labadaas Sanno Ee Xafiiska Aan Joogay Subax Walba Waxa Ii Yimaada Odayaal Ay Qaarkood In Yar Iskaga Qabtaan Inay Budhkay Sitaan Igu Bilaabaan” – Agaasimaha Tacliinta Sare Oo Weeraray Wasiirrada loo Soo Magacaabo Wasaaradda waxbarashada

vlcsnap-2017-07-12-23h16m11s8

Hargeysa (Hubaal)- “Wasaaradda [waxbarashada] adigu laba sanno wax yar baa ka dhiman muddada aan joogo,labadaas sanno xafiiska anigoo jooga ayaa odayaal ii yimaadaan, qaarkood waxaa ay in yar iskaga qabtaan inay budhkay sitaan aniga igu bilaabaan”. Sidaas waxaa ku tiraabay agaasimaha tacliinta sare eewasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL Md. Yuusuf Axmed Cali Oo maalintii shalay khudbad ka jeediyey kulanay jaamacadda hargeysi soo qabanqaabisay ooloogu magac daray ‘Tayada waxbarashada Somaliland oo meel liidata maraysa iyo qishka oo meel sare gaadhay xilliyada ays ocdaan imtixaannaadku’, kulankaas oo ay ka qayb galeen masuuliyiin uu kamid ahaa wasiirka dhaqanka iyo dalxiiskaSomaliland Khadar Xaaji Yuusuf iyo masuuliyiin kala duwan oo ka socday laamaha waxbarashada ku taxalluqa. Agaasimaha Waaxda tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Md.Yuusuf Axmed Cali oo xubnihii madasha ka hadlayka mid ahaa ayaa sheegay in uu mar kasta oo uu xafiiskiisa ku sugan yahay wadnaha farta ku hayo “Nin baa subax ii yimid waxaa uu igu yidhi inankaygii shalay ayuu qalin jebiyey, aniguna inankaas waan aqaannaa oo jaamacad buu ka qalin jebiyey haddana sida wax loo qoro ma yaqaanno”. Sidaasi ayuu yidhi. Agaasimuhu waxaa khudadiisa uu ku sheegay oo uu weliba dhaar ku maray in wasiir soo maray wasaaradda waxbarashada oo daacad ka ah tayada waxbarashadu aanu jirin “Waxaan anigu ku dhaaran karayaa kitaab haddii maanta la ii keeno in wasiir waxbarasho soo maray oo saacad keliya xafiiskiisa ku qaatay in uu waxbarashada Somaliland wax ka qabto aanu jiriin, haddii ay jirtana wax uun baynu arki lahayn, welina inta waxbarashadaloo yimi lama odhan waar heedhaha bal noo warrama oo mashaakilku maxay yihiin”. Sidaas ayuu ku dooday.