“Xornimada Somaliland Baryo Iyo Duco Kumay Iman Ee Xinjir Bururtay Ayay Ku Timid……..” Muuse Biixi Oo Si Kulul Ugu Jawaabay Madaxweynaha Dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbal-xaakimka, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga jawaabay hadallo deel-qaaf ah oo uu caaddaystay Madaxweynaha Dawladda itaalka daran ee Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, kaas oo faragalin ku haya Somaliland.

Guddoomiye Muuse, wuxuu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay degmada War-cimraan ee gobolka Togdheer oo uu ku tagey socdaal uu dadka ku wacyigalinayeen sidii ay u qaadan lahaayeen kaadhadhka codbixiyayaasha, waxaannu sheegay in dalka lagu dhisi karo ciidammada qaranka oo tayadooda iyo dhaqaalahooda kor loo qaado,
Muuse Biixi oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xisbiga Kulmiye waxa ka go’an in uu dalka dhiso, diintana dhisno, dadkana dhisno, dalka waxa lagu dhisi karaa marka uu difaac adag leeyahay oo ciidammada qaranka la dhiso oo dhaqaalahooda iyo qalab kooda iyo cududooda iyo tababar kooda kor loo qaado, si aanu cadawgu ugu soo hawoon Somaliland.”
“Ma jiro adduunka dal aanu ciidankiisu difaaci karin, innagana waxa noo dheer oo la yaab leh dadkii wixii aynu ogayn ina gaadhsiiyay ee aynu u soo marnay inqilaab iyo xabsi ee wali garawsan waxa aynu isku dilnay ee Xamar ka leh midnimada Soomaalidu waa muqadas, waxaannu ugu jawaabaynaa xornimada Somaliland waa muqadas, baryo iyo ducana kumay iman Somaliland ee xinjir bururtay ayay ku timid, wuu na dhibayaa inanka yar ee inta uu ku yimid Maraykanka iska leh midnimada Soomaaliya,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Waxa kaloo uu sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya ay wada hadli karaan iyaga oo ah laba qaran oo siman, waxaannu yidhi “Soomaali waxay wada hadli kartaa marka isku garawdo ee mid waliba dhibaatada uu soo maray ka garaabo, waxaanu wadahadli karnaa inaga oo labo qarana oo labo dal ah ayaan wadahadli karnaa, inta aad leedahay goballada Waqooyi dab iyo xanuun ayaad sii kordhinaysaa, ma nihin gobalada Waqooyi ee Somaliland ayaanu nahay oo dhiig ku timid, waxaana aan leeyahay horta Gaalkacayo midee, Afgooye iyo Xamar ha isgaadhaan.”