Xildhibaan Xassan Shahar Oo Kormeer Kusoo Maray Degmada Allaybaday iyo Tuulooyin Hoos yimaada,Kooxo Kubada Cagta Ah oo uu Qalab Ciyaareed Gudoonsiiyey.

Allaybaday(GNN):-Xildhibaan Xassan Cabdi Cali oo kamida Xildhibaanada golaha Deegaanka Caasimada hargeisa Islamarkaana Siyaasiyiinta Kasoo jeeda gobolka Gabiley Ayaa Kormeero kala Duwan oo uu Kusoo Maray Degmada Allay Baday iyo Tuulooyinka hoos yimaada ee Waalid Xoor iyo Magaala farxan, Tuulada laaya, Tuulada Taysa, xidhinta iyo tulada Geeda Beera, Waxaa uu Kulamo kala Duwan la Qaatay odayaasha iyo Waxgaradka kasoo Jeeda Degmooyinkan iyo Tuulooyinkan Uu Kormeerka Kusoo maray, iyadoo Khudbado kala Duwan oo Uu U jeediyey Shacabka Ku Wacyi galiyey In Si habsami Ah Loo Qaato kaadhadhka Codaynta Doorashad.

Waxaana Kormeero indho indhayn Ah oo uu Kusoo Maray  Goobaha Ay ka Socoto Qaadashada Kaadhadhka Codayntu Bulshada ugu Baaqay in Ay Codkooda Ku taageeraan Musharaxa Madaxweynaha Ee xisbiga Muxaafidka Ah ee Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Waxaana Safarkan Xildhibaanka Wehelinayey Qaybinta Qalab Sports Ama ciyaareed oo uu Gudoonsiiyey Dhamaan deegaanadan uu Safarka kusoo Maray, Taas Oo Uu Agab Ciyaareed Si Rasmi ah ugu Wareejiyey sideed Kooxood Oo ka Dhisan Degmada Allay baday iyo Tuulooyin hoos Yimaada, Waxaana Kooxahan Uu Ku Wareejiyey Alaabta Kubada Cagtu kala Ahaayeen.

2 xildhibaan 3 x Xil 1

1 Kooxxda Hoorsed 2 Kooxda Looyan 3 Kooxda Salaan Store 4 Kooxda Gaaxnug Subar 5 Kooxda Hilaac 6 Kooxda Onkod 7 Kooxda Holac 8 Kooxda Kacaan.

Xildhibaanka Ayaa Markii uu gudoonsiiyey Alaabtan faraha Badan Kooxahan Waxaa Kula Dardaarmay Sidii ay u Horumarin lahaayeen Ciyaarahan noocan Oo kale Ah oo kobcinaya Garaadka iyo Caafimadka Dhalinyarta Kagagna Dhawrsanayaan Balwadaha iyo Qabyaalada oo La helo Is Dhexgal iyo Kulamo Kooxaha Si Saaxiibtinimo Ay isku Arkaan Ciyaaro Dhiiro galin Ah.

20067979_293668961097179_574645920_n

Sidoo kale Waxaa Uu Xildhibaanka oo Ka Tirsan Kana Soo baxay Xisbiga Kulmiye  Kulmadan uu  La Qaatay Qaybaha Bulshada  Kula Dardaarmay sidii Codkooda Ay marlabaad ugu hibeyn lahaayeen Musharaxa Xisbiga kulmiye, isagoo Sheegay In Wax kasta Oo Qabyo ka Ah Bulshada degmada iyo Tuulooyinkaba uu Yahay Xisbiga kaliyaata ee lagu halayn karaa Xisbiga Kulmiye Oo Siyaasadiisa Iyo Waxqabadkiisuba uu noqday mid Qaangaadh Ah.

20068123_293696201094455_1826611237_n 20068023_293695981094477_446746670_n (1)

20067510_293695971094478_574137740_n

Gabiley News Network