Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal uu madaxwaynaha Somaliya Farmaajo ku sheegay in dawladiisu ku daba joogto sidii ay u heli lahayd xog dhamaystiran oo ku saabsan heshiiska saldhiga Berbera ee Imaaraadka Carabta oo uu sheegay inuu bilowgiisu ka horeeyey dawladiisa.
“Halkani waa Somaliland ee madaxwaynaha Somaliya iyo madaxda Somaliya,waxaan uga digayaa inay faraha kala baxaan arrimahayaga oo aanay ku mashquulin,madaxwayne walba oo Somaliya yimaadaa dhaqan bay u noqotay inuu ka hadlo ama ku mashquulo arrimaha Somaliland ee waxaan leeyahay madaxwaynaha,baarlamaanka iyo madaxda Somaliya haku mashquulina oo wakhtiga yaanu idinkaga lumin dal iyo dad aydaan u talin go’aana aydaan ka gaadhin Karin ee hawlahiina dayacan ee u baahan inaad wax ka qabataan ka qabta”.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo hadalkiisa sii wata aya waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray
“Somaliland waa dal madax banaan,waa dal leh madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ,Somaliland waa dal leh baarlamaan Lasoo doortay ,saldhiga Milateri ee Berbera nidaamkii saxda ahaa ayuu maray oo golaha guurtida iyo golaha wakiilada ayaa si wada jira u ansixiyey una mel mariyeyee qoraal baarlamaan Somaliya ah iyo talo la waydiiyo cid kale oo Somaliya ah waxba Somaliland kama qaadayaan ee Somaliland waa dal dhisan oo xasiloon oo nidaamkeeda dawladnimo u dhisan tahay ee madaxda Somaliya waxaan leeyahay dantiina raaca.