“Anigu Waxa Aan Marti U Ahay Sharciyada, Maxkamada Dastuuriga Ah Ayaan U Dacwooday, Kana Hordhici Maayo, Fowdana Samayn Maayo, Askarna Isku Xeeri Maayo”

Xidhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ayaa warbaahinta u soo bandhigay 39 -kii xildhibaan ee uu sheegay inay u codeeyeen,waxaanu meesha ka saaray inuu dalka wax fawdo ah galinaayo. Xildhibaan Talyanle ayaa carabka ku adkeeyay inuu marti u yahay sharciga iyo maxkamadda sare ee Somaliland.

Cabdiraxmaan Talyanle ayaa daboolka ka qaaday in uu sugaayo go’aanka maxkamada dastuuriga ah, isla markaasna ay halkaas ku kala bixi doonaan isaga iyo Baashe Maxamed Faarax.  Xildhibaan Talyanle wuxuu yidhi “Soomaalidu waxay tidhaahdaa Muslinow run sheeg, Muslinowna uga qaado, fadhigii aanu fadhinay ee golaha wakiilada ee aanu ku baratamaynay Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax iyo aniga oo ah Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle bisha 8/6/2017-kii, markii natiijadii ay xildhibaanadu ay gacanta taageen, gudoonkuna ku dhawaaqay ee la yidhi 38-na Talyanle ayaa helay, 39 Baashe, aniga oo ku niyad samaa oo markii horeba ku soo talogalay inaan helo ama la iga helo doorashadaa automatically waan tahniyadeeyey ninkii aanu baratamaynay, aniga oo qadarinaya markaa dhawaaqii gudoomiyaha golaha.

Hase yeeshee shirkii markii uu xidhmay tahniyadaydaa xaqiiqdii baa ka daba timid xildhibaanadii codeeyey ee 39-ka ahaa, waxa ay yidhaahdeen 39-ku adigaa lahaa oo aanu gacanta kuu taagnay, waxaana taa cadaynteedii bixiyey, isla shaqaalihii tirinayey ee saf (row) walba hor taagnaa afarta saf ee golaha loo fadhiisto, tiradii markay isku geeyeen ilayn iyagaaba xogogaal u ahaa oo loo diray oo dhaartay oo loo xil saaraye waxay yidhaahdeen 39-ka xildhibaan adigay kuu codeeyeen ee umay codayn Baashe.

Anigu arintii kuma degdegin, tahniyadna waanigii ku dhawaaqay, kursi jacaylna igama ahayn oo hadii aan kursi doonayo maba tahniyadeeyeen, laakiinse waxa aan aad iyo aad u ixtiraamayey dhawaaqii meesha lagaga dhawaaqay.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi  “Arintaasi markii ay ka daba timid waxaan idhi waan hubsanayaa, Gudoomiyihii Cabdiraxmaan Ciro oo aan wali xilwareejin samayn ayaan xafiiskii ugu galay arinkii ayaan u sheegay, waxaan ku idhi Gudoomiye arinkaasaa jira wuu ila hubsaday shaqaalihii ayuu u yeedhay hortiisa ayay ka markhaati fureen isagoo gudoomiye ahaan dhagaysanaya, wixii igu yidhi hagaag shir jaraa’id qabo, waxaan idhi waliba waan hubsanayaa gudoomiye ku degdegi maayo.

Galabnimadii ayaan isku keenay oo aan isku soo ulay iyagoo mutaxamisiin ah xildhibaanadii 39-ka ahaa oo ay leeyihiin waar anagaa go’aankan gaadhnay waar anagaa ku dooranay sabab aad uga hadhaa mataalo, dimuqraadiyada dhabta ah waa inaad sugtaa, taasi waxay keentay in xildhibaanadii maqal iyo muuqaalba ka duubno, waraaqdaa maanta aan idin horkeenayna ay dhamaantood 39-kii wada saxeexeen, hadaan taa saxeexa maanta sii daayo waxa barito ku xigi doonta in hadii loo baahdo ay idin hor-yimaadaan oo la hor keeno warbaahinta iyagoo hadlaya oo nin waliba uu leeyahay shakhsiyan waxaan gacanta u taagay xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo aan u doortay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada. Taa marka laga gudbo shalay oo bishu ay ahayd August 8, 2017, anaga oo ixtiraamayna in qadiyadani aanay ahayn qadiyad siyaasi ah ee ay tahay qadiyad sharci, waxaanu geynay Maxkamada galdacwadeedkii ay dhamaan waraaqihii (support documents-kii) ay ku jiraan Maxkamada Distooriga ah, markaanu gudoonay way naga qabteen, waxaanu taana ka hordhici maynee aanu sugaynaa sharciga majarihiisa in Maxkamadu go’aankeeda distooriga ah soo saarto, taasina waa hawl Maxkamada u taala.

Intaa Waxa laga sheekaynayaa oo baraha bulshada ku jira nin xildhibaan ah oo 39-ka ka mid ah oo magaciisa la yidhaahdo Cabdi Xaaji Hirad oo la leeyahay gacan buu u taagay Baashe xaqiiqdana ay ka fogtahay, waxa uu ka mid yahay 39-ka isaga oo hadlaya oo maqal iyo muuqaal ah wuxuu ku jiraa baraha bulshada isaga oo ka hadlaya oo leh waxaan codkayga siiyey Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, ayuu halkaasi ka hadlayaa.

Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa in la isku caga-jugleeyaa ma wanaagsana, lambarkiisu waxa uu liiska magacyada kaga jiraa lambarka 19aad oo uu ka saxeexay.

Waxaan arkayey Wasiirka Daakhiliga oo hanjabaya oo caga juglaynaya, xildhibaanada gacanta u taagay ee xisaanada siiyey, shaqada iyo waajibaadka uu qaranka u hayo siiyey sabab uu ugu caga-jugleeyo ama uu u yidhaahdo gacan bira ayaan ku qabanaynaa waxaan u malaynayaa in arintaasi ay sharciyada ka baxsan tahay.

Anigu anigoon xayndaabka sharci ka baxayn waxa i doortay Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland, iyaga oon xisbiba ahayn, waxa aniga I doortay xildhibaano Kulmiye, Waddani iyo qaar aan midnaba ku jirin asxaabta oo madaxbanaan, waxay u arkayeen ninka kaliya ee midayn kara Golaha ee hogaamin kara iyagoon u eegayn asxaab inuu yahay Cabdiraxmaan Talyanle.

Shalay waxa la igu yidhi maan joogine gacan ka hadal ayaa waxa uu ka dhacay xarunta golaha Baarlamaanka, aad iyo aad ayaan uga xumahay, xildhibaanada la leeyahay way is-fara saareen waa Kulmiye, aniga oo waliba aad u qiimaynaya odayga waayeelka ah ee xildhibaan Nacnac oo muxtarim ah hadayba gacani gaadhay, waxa weeyi saddexda xildhibaanba Baashe, Koore iyo Nacnac waxa weeyi saddex xildhibaan oo Kulmiye ah” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle.

Xildhibaan Talyanle oo warbaahinta u akhriyay  xildhibaanada u codeeyay oo uu magacyadooda iyo saxeexooda soo bandhigay, kuwaas oo ah xildhibaanadii uu hore u soo bandhigay Ibraahim Mahdi Buubaa.  Waxa uu Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle uu sheegay in arinta uu maxnkada dastuuriga ah u daba fadhiisanaayo”Anigu waxa aan maanta marti u ahay sharciyada, maxkamada dastuuriga ah ayaan aniga oo dacwoonaya oo ah xildhibaankii loo doortay guddoomiyaha golaha wakiilada, hasa yeeshee la afduubay golihii oo xildhibaan Baashe oo aan xaq u lahayni uu fadhiyo, maalinta maxkamada ka hordhici maayo fawdana ku shaqayn maayo, askarna isku xeeri maayo ciidana kaxaysan maayo, waxaan sugayaa go’aanka maxkamada qaranka.”