Badhasaabka Gobolka Awdal Oo Ka Hadlay Shaqa Joojinta Uu Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Ku Sameeyay

Hargeisa(GNN):-Badhasaabka gobolka Awdal mudane Mustafe Cabdi Ciise Shiine ayaa ka hadlay shaqa joojinta uu ku sameeyay madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici.

Waxaanu gudoomiye Mustafe sheegay in uu xaq uu leeyahay in uu shaqada ka joojin karo balse taasi ay caddaan doonto marka uu soo noqdo madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo hada hawlo shaqsi dalka dibadiisa ugu maqan.

Badhasaabka gobolka Awdal mudane Mustafe Cabdi Ciise Shiine isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Madaxweyne ku xigeenku imika waa ku simaha Madaxweynaha, markaas xaq bu u leeyahay balse inuu shaqo joojin igu sameeyo hase ahaate  marka Madaxweynahu soo laabto ayuu shaqada igu celin ama iga qaadi doonaa.”.

Halkan ka Daawo:-