Ceerigaabo:-Xisbiga WADDANI oo Xaflad Soo Dhaweyn ah Ku Qaabilay Xildhibbaano iyo Taageerayaal Ka Soo Diga-rogtay KULMIYE

Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI,ayaa maanta Hoteel CADAMI ee magaaladda Ceerigaabo waxay munaasibad soo dhaweyn ah ugu sammeeyeen Lix xildhibaan oo ka tirsan gollaha deegaanka ee Degmadda Ceerigaabo iyo taageerayaashooda oo si rasmi ah ula midoobay Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Xafladdan loo sameeyey xildhibbaanada, ayaa waxa ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), Marwada Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, Xoghaye ku xigeenka guud ee Xisbiga WADDANI, siyaasi Ismaaciil yare, siyaasi Abiib Timacad, xubno ka mid ah hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba xildhibbaanada iyo taageerayaasha ku soo biiray Xisbiga WADDANI.

 

 

Ugu horayn,waxa halkaasi hadal soo dhaweyn ah ka jeediyay Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,Maxamed Jaamac Daaday,waxaana uu  kusoo dhaweeyay Xisbigga Xildhibaanadda iyo Taageerayaashoodaba,waxaana uu tilmaamay inay Xildhibaanaddani cudud xoogan kusoo kordhin doonaan Xisbigga “ Maanta waxa innoo marti ah ( waddani-ahaan) xildhibaanno ka tirsan gollaha deegaanka Ceerigaabo,kuwaas oo kusoo biiray Xisbigga WADDANI,kuna soo biiriyay cududooddii,raganimaddoodii iyo adduunkoodiiba Xisbigga WADDANI”. Ayuu yidhi guddoomiyaha Xisbigga waddani ee  Gobolka SANAAG.

Xil.Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil oo ka mid ahaa Xildhibaanadda xisbigga kusoo biiray,ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee ay Xisbigga KULMIYE uga soo baxay tahay Eex iyo Kala-takoorid dadka reer Somaliland ah,taas oo meesha ka saaraysa wax-wadalahaanshaha iyo wadajirka shacabka reer Somaliland.” Annigga oo ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil,waxaan u mahad-celinayaa guud ahaan madaxda Xisbigga mucaaradka ah ee waddani oo uu ugu horeeya Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-cirro) oo si kal-kacal leh nooggu soo dhaweeyay Xisbigga WADDANI. Intaas ka bacdi,waxaan ka mid ahaa xildhibaanaddii kasoo baxay urur-siyaaddeedkii RAYS ee ku biiray Xisbigga muxaafadka ah ee KULMIYE,markii aan ku biiray Xisbigga muxaafadka ah ee KULMIYE,waxaan ogaaday inay Xisbiggaas tal-u-tahay;musuq-maasuq,Qabyaalad,eex,cadaalad-darro, Qorshe la’aan siyaasadeed,sidaas darteed,waxaan go’aansadday markaan arkay jahawareerka Siyaasaddeed ee ka muuqda Xisbigga KULMIYE in aan si cad ugu biro Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI.

 

 

Xildhibaanad Kiin,ayaa muujisay siday reer Ceerigaabo uga go’antahay taageeradda Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI : “ Guddoomiye (Musharax Cabdiraxmaan-cirro) soo dhawaw,halkanni waa WADDANI,addigaa iska leh. Meelkasta oo ay reer KULMIYE cod la galaan annaga ayaa dabo-taagan”.

Ismaaciil-yare oo ka mid ah Madaxda Xisbigga WADDANI,ayaa shacab-weynaha reer Somaliland usoo jeediyay inay soo raacaan is-bedelka uu Bulshadda ugu baaqayo Xisbigga WADDANI,isaga oo muujiyay inay badbaadada Somaliland ku jirto is-bedel-la-mahadiyo oo Dalka ka dhaca.Waxa kale oo uu usoo jeediyay taageerayaasha Xisbigga WADDANI inay xil-weyn iska saaraan inay Bulshadda ku baraarujiyaan qaadashadda kaadhka cod-bixinta,si ay u dhalasho is-bedelka la doonayaa  “ Dad-weynaha reer Somaliland waxii Waddani ah,waxaan leeyahay;Guryaha dadka ku garaaca oo dadka ku wacyi-galiya inay kaadhadhka qaataan,waxii aan Xisbigga waddani ahayn-na waxaan leeyahay,waar nuurka WADDANI soo raaca,is-bedelka xaqa ah soo raaca”.

 

 

Gebo-gabaddii waxa munaasibaddaas soo xidhay Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI,waxaana uu sheegay inuu si kal iyo laab ah usoo dhaweynayo Xildhibaanadda Maanta Xisbigga kusoo biiray iyo taageerayaashoodaba.Musharax Cirro,waxa kale guud ahaanba reer Sanaag uga mahad-celiyay jeelanaanta reer Sanaag ee ah inuu dalka is-bedel la-mahadiyaa ka dhaco

 

 

“Anigga oo ku hadlaya guud ahaan Magaca xisbigga mucaaradka ah ee WADDANI,waxaan si milgo iyo maamuus leh usoo dhaweynayaa oo qalbi furan ah usoo dhaweynayaa dhammaan Xildhibaanadda madasha jooga ee iskood u  go’aansaday inay kusoo biiraan Xisbigga WADDANI,taageerayna inuu dalkan is-bedel kheyr qabaa ka dhaco. Waxaan is-leeyahay,waa cudud balaadhan iyo xoog balaadhan oo wax badan ka badeli kara natiijadda doorashadda Madaxtooyadda. Waxa kale oo aan u mahad-naqayaa dadweynaha Gobolka Sanaag oo iyagga oo aan kala hadhin muujiyay dareenkooda doorashadda Madaxtooyadda soo socota. Maalin dhaweyd waxaan idhi ‘ wey coddeeyeen reer Sanaag’,markaas reer sanaag waannu u mahad-naqaynaa inay jecelyihiin inuu dalka is-bedel ka dhaco.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro