Xukuumadda Somaliland Oo Qirtay Inuu Si Weyn Hoos Ugu Dhacay Adeeggii Dekedda Berbera Intii Ay Gacanta Ku Haysay.

Masuuliyiintani waxa kale oo ay caddeeyeen in Shirkadda DP WORLD ee gacanta ku haysa Dekedda Berbera aanay sidii laga filayey u fulin heshiiskii ay Somaliland la gashay.
Masuuliyiintan oo kala ah Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Maalgashiga Caalamiga ah Dr. Cumar Shuceyb Maxamed oo wareysi siiyey idaacadda VOA Iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Saleebaan Siciid Cali oo u warramay warbaahinta gudaha dalka, ayaa ugu horreyn Wasiirka Ganacsigu waxa uu si qoto dheer uga hadlay heerka adeedga Dekedda Berbera ee xilligan iyo duruufaha soo waajahay Ganacsatada ay u adeegto.
Wasiirka oo ka mid ahaa Xubno Wasiirro ah oo maalmihii aynu soo dhaafnay u tagey magaalada Berbera sidii ay arrintan ugu kuurgali lahaayeen, isla-markaana ay xal uga gaadhi lahaayeen, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Runtii way jirtaa cabashada Ganacsatadu oo waxay ka cabanayaan rarkii iyo dejintii alaabta oo ay leeyihiin carqalad ayey naga gashay, markaa halkan (Hargeysa) waxaanu kaga baxnay saddex Wasiir oo kala ahaa Ganacsiga, Maaliyadda iyo Arrimaha Debadda, markaa xaaladdii waanu u kuurgalnay oo way jirtaa caqabadaasi marka loo eego hadda adeeggu sida uu yahay iyo sidii uu hore u ahaan jiray oo aad immika moodod in socodkii alaabta, raridii iyo rogiddii ay hoos u yara dhacday”.
Wasiirku oo ka jawaabaya sababta keentay hoos u dhacan, waxa uu yidhi “Sababta ay hoos ugu dhacday waa laba arrimood oo waxa la galay hab cusub, oo inagu waxaynu ku shaqayn jirnay hab laga shaqaysiinayo shaqaalaha rarid iyo rogid ba oo ay cidi gacanta ku hayso oo xoog u shaqaysa oo deg-deg ahaa oo aan loo eegayn badbaado iyo nidaamka caalamiga ah, sidaa awgeedna qoladan Dp World waxay yidhaahdeen waxaanu leenahay hab cusub, kaasoo ay ka mid yihiin in la hakiyo alaabta xilliyada ay dabayshu dhacayso, iyo waliba in maraakiibta sidii ay u soo kala hor xidhaan hawshooda loo galo oo awal marka uu markabka koontiinarada sidaa soo xidho looga saari jiray”.
Shuceyb waxa kale oo ka warramay sida ay xal uga gaadheen arrimahaasi “Markii aanu isla eegnay waxaanu dhibaatadii ku xallinay in guddi loo saaro, waayo markii aanu warraysanay qollada Dp-World waxay noo sheegeen inay qudhoodu wax beddalayaan, waxaana ka mid aheyd in wada shaqayn fiican ay yeeshaan”, Wasiirku waxaanu intaasi ku daray “Waanu soo dhameynay oo waxaanu isla soo afgaranay Ganacsatadii, Wakiiladii iyo danneeyayaashii kale ba dhammaantood inay dantu ugu wada jirto inay si fiican oo xoog ah ay u shaqayso Dekeddu, taasi oo ay sabab u tahay in aanu qalabkii soo wada gaadhin oo ay Dp-World leedahay wuu noo soo socdaa”.
Wasiirka oo mar kale la weydiiyay waxa uga meel yaalla qoraal ka soo baxay ganacsatada qaarkood oo sheegayey haddii aan xal laga gaadhin arrintan inay 18-ka bisha wixii ka danbeeya go’aan ka qaadan doonaan, ayaa waxa uu ku jawaabay “Marka xaqiiqada la doonayo Ganacsatada iyo xafiisyada (Agents) waanu wada hadalnay, waxna waanu isla garanay, maaddaaama oo nidaam cusubi jiro oo la qabsi u baahan, waxaanu wada dhiganay qorshe ah in inta badeecaddan xannibani soconayso in sidii hore ee loo shaqeynayey wax badan laga beddalo oo guddi ayaanu u samaynay oo waxaan ku ogaa iyadoo maraakiibtii oo qaar laga furay, qaarna la soo xidhayey, markaa haddii ay leeyihiin wax kale ayaa soo kordhay way sheegi karaan, laakiin kolley annagu (Dawladda) Ganacsatada waxaanu la ballansanahay Khamiista (Maanta), mana ogi Ganacsato leh arrinkii waanu ka baxnay ama waanu ka tanaasulnay”. Ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Maalgashiga Caalamiga ah Dr. Cumar Shucey Maxamed..
Dhinaca kalena, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa isna ka warramay ahmiyadda heshiiskii Maalgashi ee dhex maray Somaliland iyo DP-WORLD, iyo sida uu u fuleyba, waxaanu yidhi “Mashruucaasi wuu bilaabmay oo muddo yar ayey Dp-world gacanta ku haysay Dekedda Berbera, wixii Qarankeenu kula heshiiyey ee aheyd marka koowaad dhismaha ballaadhinta Dekedda, marka xigana Waddada isku xidhaysa Somaliland iyo Itoobiya, iyo waliba isfahamkii heshiiskaasi ku jiray ee ahaa in wax laga qabto Caafimaadka iyo Waxbarashada guud ahaan dalka ah iyo gaar ahaan gobolka ay Dekedu ku taallo, arrimahaasi dhammaantood iyo wixii heshiiskaa lagu ahaa ba waa waxaynu filaynay, runtiina laga hordhici maayo ee fulinteeda waxa laga sugayaa Dp-world, waynu ognahay oo Dekedeena maynaan ka iibin ee waxaynu sidan u yeelnay inaynu wixii aynu haysanay aynu ka kordhino”.
Sh. Saleebaan waxa kale oo uu tilmaamay ujeedadii Somaliland heshiiska Dp-world u gashay “Heshiiska Dp World waxaynu ula galnay in aynu wixii aynu haysanay ka kordhino ee aynaan beelin, ka kordhintiina waynu ka sugaynaa”.
Agaasimuhu waxa kale oo uu tilmaamay heerka iyo wax qabadka Dp World ay samaysay “Dp-World intii ay inoo timid wax way qabatay oo kolley abaarihii wax bay ka tartay dadka, caafimaadkiina wax bay ka qabatay, waxyaalo badan ayey Qaranka wax bay kala qabatay, iyadoo intaasi intii looga fadhiyey aanay ahayn ee ay ka ballaadhneyd, balse waynu ka sugaynaa.”
Agaasimahu waxa kale oo uu sheegay “Dp World waxa hadda u soo raran qalab badan oo kiriinadii dejinayey Koontiinarada ayaa u soo socda oo maraakiib waaweyn ayey ku soo rarteen qalabka oo waynu sugaynaa”.
Dhinaca kalena, waxa uu farriin u diray Xisbiyada Mucaaridka ah “Madaxweynuhu wuxuu u galay (Heshiiska Dp world) waa horumarinta qaranka, marka Xisbiyada Mucaaridka ah waxaan leeyahay shay markaynu galno yaanu noqonin in markiiba laga dhigto jawaab ama weerar ololaha lagaga faa’iideysto, maalgalinta caalamiga ah ee aynu sugaynayna waa inay Xisbiyadu ka dhawrsadaan waxay berrito ammaani doonaan, maaddaaama oo ILAAHAY ogyahay xisbigii tallada dalka ku guuleysan doona”.
Intaasi kadibna, Agaasimaha Guud ee Diinta iyo Awqaaftu waxa uu farta ku fiiqay rejada laga filayo Shirkadda DP-WORLD “Adeeg fiican oo hufan ayaa laga rabaa Dp World, oo ka hufan gacantii hore iyo sidii ay wax u socon jireen, taana Xukuumaddu way dareensantahay, waanay ku hawlantahay”.
Ugu dambayntiina, Sheekh Saleebaan waxa uu baaq u diray Ganacsatada “Ganacsatada waxaan ugu baaqaynaa waxay Xukuumaddu idiin ballan qaadaysaa adeeg kii hore ka hufan ee idinkuna waa inaad samirkeeda yeelataan oo aad sugtaan, Madaxweynahana waxa ka go’an horumarka dalka oo aanu kula shaqaynaynaa, haddii ALLE yidhaahdo waxaad arki doontaan Dekeddeena oo u eeg ta Dubai”. Ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu Sh Saleebaan Siciid Cali.
Dekedda Magaalada Berbera, ayaa waxa Sannadkii hore la wareegtay Shirkadda Carbeed ee DP World, ka dib markii Xukuumadda Somaliland la saxeexatay Heshiis dhigaya in DP World ay Dekedda ku Maalgeliso 442 Milyan oo Dollar isla-markaana ballaadhiso Dekedda, aadna u casriyeyso Adeeggeeda, laakiin tan iyo xilligii heshiiskaasi dhacay ee Shirkaddu la wareegtay Maamulka Dekedda, waxa cabasho ka taagan tahay nidaamka Dekeddu u shaqeyso, taasi oo aakhirkii keentay in Ganacsatada wax kala soo degaa Xukuumadda u diraan qoraal ay ku sheegayaan in lala eego Dabaca ku yimid Adeeggii Dekedda, iyagoo dhanka kalena ku hanjabay inay Alaabooyinkooda kala soo degi doonaan Dekedaha kale ee ku yaalla Dalalka Gobolka.