Ciidamada Amaanka Oo Xidhay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore Iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Ka Hadlay

Ciidamada amaanka somaliland ayaa xidhay xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore ayuu dagaal gacan ka hadal ahi dhex maray gudoomiyaha cusub ee loo doortay golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax.

Sidoo kale darawalka gaarka ah ee Xildhibaan Saleebaan Cali Koore ayaa isaguna xarunta golaha wakiilada ka riday rasaas, taas oo keentay in ciidamada amaanku gudaha u soo galaan xarunta isla markaana amaanka sugaan.

Wasiirka arimaha gudaha somaliland yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo goor dhawayd la hadlay warbaahinta ayaa cadeeyey in la xidhay xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo xubno kale oo wehelinayey balse muu cadayn goobta lagu xidhay.

Golaha wakiilada somaliland ayaa waxa ka taagan muran adag oo ka dhashay doorashadii gudoomiyaha golaha wakiilada, iyadda oo xildhibaanada mucaaradka ahi ku doodayaan inuu codka golaha ku guulaystay xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, halka maalintii doorashadana lagu dhawaaqay inuu ku guulaystay xildhibaan Baashe Maxamed Faarax.