Daawo-Jawigii Golaha Wakiilada Fadhigii Maanta iyo Xildhibaan C/raxmaan Talyanle Oo Kasoo Xaadhiray.

Hargeisa(GNN):-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta yeeshay fadhigii ugu horeeyey ee uu kooramka Goluhu si rasmi ah u buuxsamo. Fadhigii Maanta oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa wuxuu ku bilaabmay 43 xildhibaan haseyeeshee kooxdii mucaaradka ahayd oo uu hogaaminayo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ayaa golaha soo fadhiisatay markii ay arkeen in Kooramka oo ah 42 mudane uu buuxsamay.  Waxaana markii dambe xoghaynta Goluhu dib u tirisay tirada fadhida oo  uu Gudoomiyuhu ku dhawaaqay inay noqotay 60 Xildhibaan.  Arrintan ayaa waxay soo afjartay murankii ay Mucaaradku gelinayeen inay la shaqaynayaan Gudoomiyaha Cusub, Mudane Baashe.

Dhanka kale waxaa Go’aanka uu golaha ku soo xidhay Gudoomiye Baashe ka muuqatay inuu jiro heshiis muddo saacado ah laga shaqaynayey oo uu Gudoomiyuhu ku dhawaaqay kaasoo ahaa in dib loo dhigo doorashadii Gudoomiye ku Xigeenka ilaa Axadda soo socota.

Fadhiga ayaa ku soo gebageboobey si deggan, waxaana loo dheg taagaya cidda maalinta axadda ku soo bixi doonta Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad.

Talyanle-2 (1)