Daawo-Murashax Cabdiraxmaan Ciro iyo Weftigiisa Oo Lagu SOo Dhaweeyey Deegano U Dhaxeeya Ceerigaabo Iyo Ceel Afweyn.

Sanaag(GNN):-Wafdigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI oo saaka kasoo ambo-baxay Magaaladda Ceerigaabo,ayaa si weyn loogu soo dhweeyay deegaamadda u dhexeeya Ceel-af-weyn iyo Ceerigaabo.

Dadweynaha deegamadaas,ayaa waxay wafdiga kusoo dhaweynayeen caleemo  qoyan iyo calanka astaanta u ah Xisbigga WADDANI,ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo ay ku cabirayaan Taageeradda baaxadda leh ee ay la garab-taagan yihiin Xisbigga WADDANI iyo Musharaxiisa Madaxweyne Cabdiraxmaan-Cirro.

Waxaana soo dhaweyn heer sare ah looggu qaabilay Wafdigga Musharaxa Madaxweynaha  Magaaladda Ceel-af-weyn oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Kumanaan  ka tirsan dadweynaha Ceel-af-weyn,ayaa waxay wafdigga Guddoomiyaha kaga hor-yimaaddeen Dulleedka Magaaladda ceel-af-weyn,iyaga oo sheegay inay la garab taagan yihiin Xisbigga WADDANI Taageero hagar la’aan ah,waxaanay reer ceel-af-weyn muujiyeen siday uga go’antay in dadka walaalaha ah reer ceel-af-weyn lasoo afjaro dhibaatadda la dhex-dhigay dadka ood-wadaagta ah ee walaalaha ah.

Guddoomiyaha Magaaladda Ceel-af-weyn ee Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI,Cabdi Ciise Caarshe,ayaa wafdigga balaadhan ee uu hogaaminayo Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigga WADDANI kusoo dhaweeyay Degmadda Ceel-af-weyn,waxaana uu sheegay inay reer ceel-af-weyn u heellan yihiin inuu Dalka ka hanaqaado is-bedel la mahadiyo oo dalka horumar iyo hir-barwaaqo gaadhsiiya.

Waxa iyagguna halkaas ka hadlay Madaxda badan oo heer gobol iyo mid degmo ah,kuwaas oo dhammaantood ka marakacay is-bedelka ay reer Sanaag guud ahaanba ka rajaynayaan Xisbigga WADDANI,waxaanay farta ku fiiqeen hagardaamooyinka tiradda badan ee uu Xisbigga KULMIYE uu gayaysiiyay dadweynaha reer Somaliland. Waxa kale oo ay tilmaammeen muhiimadda ay nabadda iyo xasilooniddu u leeyahay inay nolol wanaagsani ka hirgasho Deegaamaddan ceel-af-weyn.

Gabo-gabaddii Musharaxa Madaxweyn ee Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI,ayaa si weyn ugu mahad-celiyay reer ceel-af-weyn sida naf-hurida leh ee ay usoo dhaweeyeen Wafdigga uu hogaaminayo.

Musharax Cabdiraxmaan-cirro,waxa uu dadweynaha usoo jeediyay inay nabadda ku faro-adaygaan,isla markaasna ay qaataan kaadhadhka cod-bixinta ee lagu galayo Doorashadda Madaxtooyadda ee soo socota,taas oo haatan ka socota Goboladda SOOL  iyo  SANAAG.