Faysal C. Waraabe Oo Sheegay In Wareejintii Dekedda, Saldhiga Milatari Ee UAE Iyo Taageeriddii Xulafada Sucuudigu Aanay Wax Guul Ah U Keenin Somaliland.

Hargeisa(GNN):-Musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa in aan wax guul ah laga gaadhin ku tilmaamay wareejintii dekeda,bixintii saldhiga milatari iyo xulafadii Khaliijka ee ay Somaliland taageertay.

Waxa uu Eng.Faysal Cali Waraabe sheegay in dawladani aanay wax hawl ah oo ay dalka u dhamays tirtay aanu jirin, sida oo kale waxa uu dhaliilo xoogan u jeediyay musharax Muuse Biixi iyo khilaafka golaha wakiilada oo uu ku tilmaamay mid khatar ah oo ay dhaliyeen rag rag u muuqdaan.

hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa arimahan kaga hadlay waraysi uu siiyay tilifishanka Eryal, waxaana ugu horayntii isaga oo ka hadlaaya guul darooyinka ka taagan dekeda iyo saldhigii milatari uu yidhi “Baylahda uunbay ka mid tahay oo meel allaale meel aanu maanta is leenahay waad ka fayo qabtaan oo way shaqaynaysaa oo halkaas ayaa guul laga gaadhay ma jirto, dekedeenii guul lagama gaadhin, saldhigii militari guul lagama gaadhin oo xulafadii aan raacnay guul lagama gaadhin meel inoo fayoow ma jirto, waayo dawlad shaqaynaysaa ma jirto, dawladii ollole iyo Muuse ayay ku mashquulsantahay, dawladii Muuse ayay leedahay yaanu hadhow wasiirnimada kuu diidin oo ay garab raacaysaa, markaas yaa dalkii u shaqaynaaya oo wax fulinaaya,hadii aan waxan la joojin hab kale ayaa jira oo shacabka ayaanu u soo bandhigaynaa oo aanu leenahay waar meeshii halaysugu yimaado, hadii dawladu ay ka hadhi waydo kaanbaynka oo ay shaqadeeda qabsan waydo waxaanu odhanaynaa talo halaysugu yimaado.”

Eng.Faysal Cali Waraabe oo muranka golaha wakiilada ka hadlaayay waxa uu yidhi”waa nasiib daro in maanta uu Waddani inagu bilaabay igama qudhunto caadadaas maynu aqoon 85 ayaa lagaga helay waanu haneeyay, anagu tii danbe waanu hanaynay, laakiin waxaan dhaqankeena ahayn ayuu Waddani inagu soo abuuray oo ah laba guddoomiye baarlamaan albaabkaasi hadii uu inagu furmo waa khatar, waa basar xumo aynaan hore u aqoon, waanu hanbalyaynaynaa in la yidhi gudihiinu isku noqda waxaanu jecelnahay in gudidaasi ay caqliga ka shaqaysiiso oo si nidaam leh ay u dhamayso, aduunku waxa uu leeyahay waa maxay labada guddoomiye baarlamaan sow barina laba madaxweyne soo bixi maayaan arinta ha la dhameeyo oo halaysku tanaasulo, waa laysku tahniyadeeyay ee in la soo celiyo maaha, waxa lagu murmaa bahasha marka aan la tahniyadayn, miyuu Odinga tahniyadeeyay iyada oo milayan la dheeraysiiyay waa uu diiday uun, laakiin saqdhaxe ayaan kacayaa sidii argagixisada intay god madaw galaan muuqaalka iska soo duubi jiray, Cabdiraxmaan Talyanle aad ayaan uga xumahay nin sharaf lehna waa uu ahaa oo dhawr jeer ayaan sheegay, ragii waxaas ku kalifay waanu garanaynaa waa rag rag u muuqdaan oo aanu dalku u muuqan oo ficil ficil meesha u galay oo hebel ku xumee u galay.”

Ugu danbayntii waxa uu Faysal Cali Waraabe ku dhaliilay Musharax Muuse Biixi in dawladii oo dhan ku

mashquushay”Muusana waxaan leeyahay Muusow iska reeb ilaa dawladii hoose ayaa socda oo garab ordaaya, agaasimayaashii iyo wasiiradii ayaa garab ordaaya, wasiiru dawlayaal ayaa garab ordaaya ma garanaayo nidaamkaasi meel uu aduunka ka jiro, hadaad tidhaahdo waxaan eryanayaa Waddani hadii Waddani uu hoqol ku dhaco miyaad ku dhacaysaa.”