Daawo-Shacabka Degmooyinka Hadaaftimo Iyo Yube oo soo Dhaweyn Ballaadhan Ku Qaabilay Murrashaxa KULMIYE iyo Wefti uu Hoggaaminayo.

Ceerigaabo(GNN):-Weftiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa noqday murrashax Madaxweyne kii u horreeyey gaadha deegaanka Hadaaftimo oo hoos tagta Gobolka Badhan ee bariga Somaliland, isla markaana ah guriga taariikhda saldannada Somaliland.
Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE oo ku guda jira socdaal la xidhiidha wacyigelinta kaadh qaadashada gobollada Sanaag iyo Sool, ayaa maanta ka hillaacay magaalada taariikhiga ah ee Hadaaftimo oo qiyaastii 90KM bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, halkaas oo si aad u ballaadhan loogu soo dhaweeyey.

20841773_927257870745634_1968417828570857281_n 20882266_927263794078375_1029688894558404462_n 20840954_927263780745043_1567977849103245875_n 20785798_927263530745068_4633243608116395527_o 20769963_927263957411692_583010756713189822_n 20770072_927258400745581_3731631678600976704_n
Booqashada weftiga Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE ee Hadaaftinimo oo ka dambeeyey casuumad rasmi ah oo uu u fidiyey Suldaanka guud ee deegaannada bariga Gobolka Sanaag Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Sul. Cali Shire, waxa Guddoomiye Muuse Biixi oo ay wehelinayeen xubno wasiirro ka tirsan xukuumadda oo qayb ka ah weftiga, masuuliyiin iyo siyaasiyiin kaleba kala kulmeen deegaankaasi soo dhawayn farxad galisay iyo hadhimo-sharafeed lagu maamuusay.
Soo dhawayn aanay u kala hadhin dadweynaha deegaannada Hadaaftimo oo ay kumanaan qof oo rag iyo dumar ahi isugu soo baxeen meel qiyaastii masaafo dhan 5KM ka baxsan Hadaaftimo iyo ilaa dariiqyada gudaha magaalada, kuwaasoo iyagoo lulayey caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE soo bandhigay taageerada baaxadda leh ee ay u hayaan xisbul-xaakimka iyo xukuumaddiisa si qiimo badana u qaabilay weftiga Guddoomiyaha KULMIYE, kadibna u galbiyey madaxda goob fagaare ah loo diyaariyey in lagala hadlo dadweynaha reer Hadaaftimo.
Suldaanka guud ee deegaannada bariga Gobolka Sanaag Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Sul. Cali Shire iyo Oday Sheekh Axmed Sheekh Saalax oo ka mid ahaa odayaashii horumoodka ka ahaa shirarkii lagu aasaasay Qaranimada Somaliland iyo kuwii nabadaynta, ayaa hadallo ay madasha ka jeediyeen si milgo iyo sharaf leh ugu soo dhaweeyey Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa,

Sidoo Kale Shacabweynaha ku dhaqan degmada Yubbe ee bariga gobolka Sanaag, ayaa soo ballaadhan ballaadhan oo aan kala hadh lahayn ku qaabilay wefti xukuumadda iyo xisbiga ka tirsan oo uu hor kacayo guddoomiyaha, ahna murrashaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.
Kumanaan ka tirsan shacabka degmada Yubbe oo ay hormood u yihiin maamulka degmada ee xisbiga iyo xukuumadda. Xildhibaanno, salaadiin iyo cuqaal, isla markaana lulaya caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE, ayaa guddoomiyaha iyo weftigiisa kaga horyimi goob ka baxsan magaalada subaxii hore ee saaka, waxana weftiga loo galbiyey madal si gaar ah loogu asteeyey in bulshada lagala hadlo, waxana halkaas hadallo mahadnaq iyo soo dhaweyn u badan ka jeediyeen xubno weftiga iyo madaxda deegaanka isugu jiraa.
Xildhibaanno kasoo jeeda degmada oo kasoo baxay xisbiga KULMIYE oo ay kamid yihiin Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud iyo Maxamed Cismaan Bulqaas iyo xubno wasiirro ah oo halkaas ka hadlay, ayaa guddoomiyaha iyo weftigiisa uga mahadceliyey booqashada ay halkaas ku tageen, waxana ay shacabka ku boorriyeen inay si habsami leh u qaataan kaadhadhka codbixiyayaasha oo halkaas ka socda.
Haldoorka, odayaasha, waxgaradka iyo cuqaasha deegaanka oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa shaaciyey inay deegaan ahaan si buuxda u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisaba, waxana ay codsadeen in lagala qayb qaato dhamaystirka wixii tabashooyin ah ee degmada ka jira.

20882852_927263944078360_3108968652813986050_n 20841787_927268650744556_7144047524944297159_n 20840730_927262640745157_6401290889471314936_n 20800063_927258667412221_1637427427094120038_n 20799401_927260810745340_3433619462200564122_n 20799502_927268630744558_3923686892171313478_n 20770218_927263670745054_3966831695173465221_n 20770127_927265364078218_4721155669297077708_n 20770072_927258400745581_3731631678600976704_n
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo bulshada degmada Yubbe khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey, ayaa uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran iyo kalgacaylka lagu qaabilay, waxana uu caddeeyey inuu xil weyn iska saari doono wax ka qabashada dhammaanba tabashooyinka kala duwan ee halkaas ka jira haddii uu ku guulaysto madaxtinimada dalka.