Dawladda Ingiriiska Oo Balan-Qaaday Inay Somaliland Ka Taageerayso Qabashada Doorashadda Madaxtooyada.

Dawladda Britain, ayaa sheegtay inay Jamhuuriyadda Somaliland kala shaqaynayso sidii loo qaban lahaa doorashada Madaxtooyada ee muddaysan 13-ka November ee sannadkan, sidaasna waxa daboolka ka qaaday Wasiiru-dawlaha   Britain u qaabilsan barwaaqo sooranka iyo horumarinta Afrika, Mr. Rory Stewart oo booqasho ku  yimid Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha,  Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo shalay xafiiskiisa ku  qaabilay weftigaas, ayaa uga warramay xaaladda Somaliland iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska.

Waxaa  shirkaas labada dhinac si wadajir ah u falanqeeyeen   qoddobo ay ka mid ahaayeen kaalmada dhaqaale ee ay Britain siiso Somaliland iyo  doorashadda madaxtooyada ee la filayo in ay dabayaaqada sannadkan  dalka ka qabsoonto.

 

Afhayeenka madaxtooyada, Eng.  Xuseen Aadan Cigge (Dayr), ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay kulankaas ka dib,  waxaannu  sheegay in wasiiru-dawlaha Ingiriiska  u qaabilsan  barwaaqo sooranka iyo horumarinta Afrika,  uu balanqaaday in dawladiisu ay gacan ka gaysan doonto doorashada  madaxtooyada ee fooda innagu soo haysa.

“Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna ku-simaha madaxweynaha oo ay wehelinayeen wasiirrada arrimaha dibadda, warfaafinta iyo madaxtooyada, waxa uu kulan  la yeeshay  wefti ballaadhan oo ka socday dalka Britain, oo uu hoggaaminayey  wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda u qaabilsan Afrika, oo ay la socdeen safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, agaasimaha arrimaha Afrika ee xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda UK,”ayuu yidhi, waxaannu intaas ku daray; “Weftiga iyo  madaxweyne ku-xigeenku waxay  ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya xagga horumarinta, nabadgelyada, is-kaashiga caalamiga ah, doorashadda madaxtooyada ee Somaliland ka dhici doonta 13-ka bisha November ee sannadkan 2017-ka.

Waxa kaloo  madaxweyne ku-xigeenku warbixin ka siiyay weftiga qaabka ay socdaan qaybinta  kaadhka codbixiyeyaasha oo imika ka socota labada gobol   ee Sool iyo Sanaag oo ah kuwii ugu danbeeyay dalka oo dhan.”

 

Waxa kaloo uu intaas raaciyay  in madaxweyne ku-xigeenku u bandhigay weftiga Ingiriiska sidii loo sii xoojin lahaa  iskaashiga iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya jamhuuriyadda Somaliland iyo boqortooyada Ingiriiska;  “Waxa kale oo uu madaxweyne ku-xigeenku hoosta ka xariiqay in dawladda Britain ay tahay dawladda taageerada ugu badan siisa Somaliland, oo dhinacyo badan ah. madaxweyne ku-xigeenku waxa uu uga mahadceliyay weftigan ka socday Ingiriiska booqashadda ay ku yimaadeen Somaliland,”ayuu yidhi Afhayeenku.

Wuxuu sheegay in weftiga Ingiriisku ay balanqaadeen inay Somaliland ka caawin doonaan wixii looga baahdo ee arrimaha doorashadda soo socota, sidoo kale-na ay Somaliland ku amaaneen qabashada doorashooyinkii  hore, waxaannu yidhi;  “Weftigu waxay balanqaadeen in ay Somaliland ka caawin doonaan  wixii looga baahdo qabashada doorashooyinka. waxa kaloo  ay jamhuuriyadda Somaliland uga mahadnaqeen siday ugu guulaysatay doorashooyinkii hore ee waddanka ka qabsoomay, tan soo socotanna ay beesha caalamku rejaynayaan in ay si wanaagsan u qabsoonto.”

 

Dhinaca kale afhayeenku waxa uu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, uu  weftiga Ingiriiska uga warbixiyay mashaariicda horumarineed ee  ka socda dalkan Somaliland, sida mashruuca casriyaynta iyo ballaadhinta ee dekedda Berbera, saldhiga millatari ee ay Berbera ka samaysanayso dawladda Imaaraadka carabta iyo meello kale.

 

“Wasiir Sacad waxa uu  weftiga Ingiriiska uga waramay in dawladda Somaliland ay  iyadu isku-tashatay, dhawr jeer oo ay doorashooyinku dib u dhaceenna ay keentay in ururrada qaadhaan bixiyeyaashu ay ku yidhaahdeen Somaliland  idinku isku-tashadda. Waxaannu u caddeeyay in dawladdu ku kaliyaysatay oo bixisay lacagta lagu qabanayo doorashadda madaxtooyada ee soo socota,”ayuu yidhi Afhayeenku.

Ugu danbayn, afhayeenku  waxa uu tilmaamay in weftiga  UK ay Somaliland  ku ammaaneen xasiloonidda, deganaanshaha  iyo kala-danbaynta  ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland.

Somaliland