Dhallinyarada u Heellan Xisbiga KULMIYE oo u Debaaldegtay Sanad-guurada Koowaad ee Aasaaskooda

Hargeisa(GNN):-Dhallinyarada u heellan xisbiga KULMIYE oo ay ku midaysan yihiin kumanaan kamid ah taageerayaasha firfircoon ee xisbiga KULMIYE, ayaa u debaaldegay sanad-guurada koowaad ee kasoo wareegtay aasaaskooda.
Munaasibadda ay dhallinyarada u heellan xisbiga KULMIYE ugu debbaaldegayeen sanad-guuradooda koowaad oo maanta lagu qabtay Hutel Green Plaza ee magaalada Hargeysa oo ay hadhimo-sharafeed ku ladhnayd, ayaa waxa ka qaybgalay hoggaanka xisbiga KULMIYE, wasiirro, hoggaannada garabyada heer qaran ee haweenka iyo dhallinyarada KULMIYE, dhallinyaro, waayeel iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayey firfircoonida iyo wax-qabadka muuqda ee ay dhallinyaradani ka muujiyeen xisbiga KULMIYE.
Ugu horrayn guddoomiyaha dhallinyarada u heellan xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Aadan Maxamed (Qalluuni), ayaa si hufan u sharraxay waxqabadka iyo hawlaha u hirgalay dhallinyarada, waxana uu sheegay inay u taagan yihiin sidii ay xisbiga KULMIYE guul loo wada dhan yahay loo gaadhsiin lahaa, isla markaana ay diyaar u yihiin inay raacdada guushaan qaybooda ka qaataan.
Xoghayaha Dhallinyarada u heellan xisbiga KULMIYE Marwo Sucaad Cumar Xagaa iyo marwo Ubax oo ah guddoomiye ku-xigeenka dhallinyarada oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka kooban yihiin dhallnyaro kasoo jeeda gobollada iyo degmooyinka Somaliland oo dhan, isla markaana ay ka midaysan yihiin ka qayb-qaadashada guul uu xisbiga KULMIYE kasoo hooyo doorashooyinka madaxtinimo ee soo socda.

20476167_454266074937117_6267486748590921099_n 20476257_454266078270450_828772258356927071_n 20476326_454266204937104_7506192357861735213_n 20479534_454266194937105_2810578995466079080_n 20525241_454266208270437_6622651899270683819_n 20525575_454266264937098_5617925709009019789_n 20525831_454266081603783_8950496979856077350_n 20621000_454267158270342_760215328433242696_n
Guddoomiyaha garabka dhallinyarada heer qaran ee KULMIYE Md. Cabdinajax Siyaad aw Cabdi iyo xoghayaha abaabulka iyo wacyigelinta ee garabkaas Md. Liibaan Ismaaciil Buraale oo madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa hambalyeeyey dhallinyarada u heellan xisbiga KULMIYE ee sanad-guuradooda loo debaaldegayo, waxana ay tilmaameen in waxqabadka dhallinyarada laga dareemay meel walba.
Guddoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye, ayaa iyaduna bogaadisay dedaalka iyo kartida ay muujiyeen dhallinyarada u heellan xisbiga KULMIYE, waxana ay ka codsatay inay dedaalkooda halkaas kasii wadaan.
Wasiirrada wasaaradaha qorshaynta qaranka Md. Maxamed Ibraahim Qabo, Caafimaadka Md. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) Warfaafinta Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), Boosaha iyo Is-gaadhsiinta Md. Mustafe Faarax Abraan oo hadallo kooban halkaas ka jeediyey, ayaa is isku mid ah u ammaanay waxqabadka iyo dedaalka ay muujiyeen dhallinyarada u heellan xisbiga KULMIYE muddadii koobnayd ee ay jireen, waxana ka dalbadeen inay sii kordhiyaan xawaaradaha dedaalka ay guusha KULMIYE ugu jiraan.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, ayaa si kal iyo laab ah u bogaadiyey dedaalka iyo kartida ay fagaarayaasha kala duwan ee baraha bulshadu ku kulantaa ugu horraysaa muujiyeen muddadii sanadka ahayd ee ay jireen, waxana uu sheegay inay hoggaan ahaan xog-ogaal u yihiin daacadnimada iyo raacadada ay ugu jiraan sidii xisbiga KULMIYE guul buuxda u keeni lahaa.
Ugu dambayntii waxa madasha shahaado-sharafyo lagu guddoonsiiyey xubno hoggaanka xisbiga, wasiirro, haween iyo taageerayaal kale oo firfircoon isugu jira oo karti iyo waxqabad muujiyey, iyada oo intaas kadibna halkaas lagu qadeeyey.