Diyaarad Ciidan Oo Ku Burburtey Airport ka Jabuuti iyo Sadex Askari Oo Ku Geeriyoodey.

Saddex sarkaal oo ka tirsnaa militariga dalka Jabuuti ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen diyaarad kuwa ciidamada ah oo ku bur burtay meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha Jabuuti.

Diyaarada ayaa la sheegay subaxnimadii hore ee saakay markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha Jabuuti markiiba ku dhacday meel aan wax badan ka fogeyn garoonka.

Saraakiisha dhimatay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Col Ibraahim Cabdullaahi Geelle oo la sheegay in ku dhawaad 40 sano ahaa duuliye diyaaradaha yar yar oo kuwa militariga ah iyo labo gabdhood oo magacyadooda lagu kala sheegay Hodan Axmed Yuuf iyo Ilhaan Maxamed Ibraahim oo labaduba la sheegay in loo waday tababar dhinaca duulimaadyada ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay militariga dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay in sababta keentay bur burka diyaarada ay tahay cilid farsamo oo la soo darista diyaarada, waxaana la sheegay in diyaaradan ay adeeg faro badan u heysay ciidamada qalabka sida ee Jabuuti.

Log11