War Deg-Dega- Hantidhawrihii Guud Ee Qaranka Somaliland Oo Xilkii laga Qaaday.

Xafiiska Af-hayeenka Iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

Taariikh: 02/08/2017

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-4946/072017 uu xilkii kaga qaaday Hanti-dhawrihii Guud ee Qaranka.

 

 Waxaanay u dhignayd digreetada madaxweynuhu sidan:-

 

Ku:      Mudane, Maxamuud Aw Cabdi Ibraahin (Maxamuud Dheere) Hanti-dhawrihii Guud ee Qaranka

 Og:      Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka

Og:      Xisaabiyaha Guud ee Qaranka                                                     

Og:      Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

 Ujeeddo:        Xil-ka Qaadis

Mudane,

 Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad soo haysay xilka Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

 

Haddaba, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkaas, waxaanad ku wareejin doontaa Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, oo si ku meel-gaadh ah u sii hayn doona, inta aan u soo magacaabayo mas’uul ku habboon xilka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

   Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

 

              Naasir Yuusuf Daahir 

Director Presidential of Media

 

Hargeisa – Republic of Somaliland