Gudoomiyaha Guurtida Oo Ku Gacan Saydhay In Uu Dhexdhexaadin Usameeyo Baashe Iyo XildhibaanTalyanle.

Hargeisa(GNN):- Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ayaa la sheegay in uu maanta kulan la yeeshay gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamed Aadan kaas oo ku wargaliyay inuu soo kala dhex galayo khilaafka golaha wakiilada ka taagan ee u dhaxeeya xildhibaan Tanyanle iyo baashe.

Kulanka ay labada masuul wada yeesheen ayay wararku hordhac ah ee soo gaadhaya hadhwanaagnews sheegayaan in xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle uu kaga codsaday gudoomiye Saleebaan in uu soo kala dhex galo isag iyo gudoomiye Baashe, kadib markii doorashadii shalay dhacday ee Gudoomiye Baashe loogu doortay jagada gudoomiyaha golaha Wakiiladu isaga oo markii hore hambaleeyay haddana dib u sheegay in lagaga shubta.

Gudoomiye saleebaan ayaa la sheegay in uu ugu

jawabay xildhibaan Talyanle in aynu suuro gal ahayn meel uu fadhiyay markii la codaynayay ilsa markaana uu ku hambalyeeyay masuulkii ladoortay in uu imika yidhaa wax isdaba marin ayaa dhacday arinkaasna aanu wax dhex dhexaadin ah ka samaynayn.

Doorashada shalay ka dhacday golaha wakiilada ayaa uu tartanku dhexmaray labada Xildhibaan ee Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle taas oo xildhibaanadu si qacan taaga ay ugu codeeyeen labada xildhibaan lana sheegay in hal cod guushu ku raacday Baashe Maxamed Faarax isla markaana waxuu hambalyeeay guusha Baashe xildhibaan Cabdiraxman Talyanle oo sheegay in uu ku faraxsanyahay siday doorashadu udhacday.

Xalay ayaa uu warbaahinta usheegay xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle in uu isagu yahay gudoomiyaha dhabta ah ee golaha wakiilada Somaliland doorashiina ay jireen wax idaba marin.

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani oo uu kamidyahay gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro ayaa sheegay in wax isdaba marini ay dhacday doorashadii shalay ka dhacday golaha wakiilada, inkasoo uu Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro uu ku jiray masuuliyiintii u hambalyeeyay Gudoomiye Baashe.