Halkan Si Live Ah Uga Daawo-In Ka Badan 2 Milyan oo Xujey ah Ayaa Maanta Gudanaya Rukniga ugu Weyn Camalka Xajka

In ka badan laba milyan oo qof ayaa maanta taagan buurta iyo banka carrafa. Istaaga ama ku negaanshaha Carrafo ayaa ah rukniga ugu weyn ee camalka xajka. Nebigeena suubanaa N.N.K.H wuxuu yiri “Xajku waa carrafo”. Dad badan ayaa isku dhiba in ay dusha uga baxaan buurta carrafo oo ahayd halkii Nebigeeni suubanaa(NNKH) uu istaagey, laakiin dhamaan dhulka Carrafo ku fadhido oo dhan ayaa wufuufku ku ansaxayaa, sida ay qabtoi shareecadeena xaniifka ah.

Malaayiinta qof ee isugu soo baxay maanta Carrafo ayaa ku dhawaaqayaa Ilaahoow waan ku soo ajiibney “Labeyk allaahuma Labayk”

Istaagida Carrafo kadib marka qoraxdu dhacdo maanta oo Khamiis ah ayaa Xujeydu ka guurayaan halkaas waxay sii marayaan Mina iyaga oo tuuranaya Jamaaraadka (Dhagxaanta), kadib waxay xoogaa ku negaan doonaan Muzdalifah, iyaga oo maalinta berri ah gawracaya Udxiyadoodi

Maanta oo kale waxaa si aad ah loo badiyaa ducada iyo istiqfaarta, dadka aysan u suurta gelin in ay maanta oo kale taagan yihiin buurta Carrafo iyo banaankeeda ayaa waxaa laga doonayaa in ay la qaybsadaan dhibta Xujeda isla markaana soomaan.

Ilaa hadda gudashada waajibaadka Xajka oo bilowdey maalintii Salaasada ayaan wax dhibaato ah ka dhicin. Sanadkii 2015 ayaa Xajka waxaa ka dhacay dhibaato aad u weyn, waxaana la aaminsan yahay dad ka badan 2000 oo qof in ay ku geeriyoodeen kadib markii la isjiirey, maalin kadib wuquufka Carrafo.

Kumaankun Soomaali ah ayaa kamid ah dadka gudanaya waajibaadka xajka kuwaas oo ka kala yimaada dalal badan oo caalamka ku yaala iyo dalkii hooyo, waxaana lagu tilmaamaamaa in uu yahay sanadkii ugu badnaa ee Soomaalidu xajido sida ay sheegeen qaar kamid ah Xuejyda iyo dadka ka shaqeeya arrimaha Xajka.