Ismaaciil Abokor Madaxweyne Ku-xigeenkii Dawladii Kacaanka Oo Booqday Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo + Sawiro

Hargeisa(GNN):-Mudane Ismaaciil Cali Abokor Madaxweyne ku-xigeenkii dawladii kacaanka ee Maxamed Siyaad Bare oo ay weheliso marwadiisa Hiddo Cabdi Carab ayaa booqasho ugu yimid madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo dalka isu taga imaaradka Carabta u joogey todobaadadii ugu danbeeyay xaalad caafimaad.

Madaxwaynaha oo caafimaadkiisu aad u wanaagsanyahay ayaa ilaa doraad ku jirey qaabilaada Masuuliyiin ka socotey beesha Caalamka,dawladda Imaaraadka iyo Bulshada reer Somaliland ee Imaaraadka ku nool.

Mudane Ismaaciil wuxuu Madaxweyne ku xigeen ka noqday Xukuumaddii keli taliska ahayd ee Kacaanka Soomaaliyeed,wuxuu ahaa mishiinkii horumarinta,isagoo Madaxweynihii Maxamed Siyaad Barre kaga horyimid Nidaamlii Keli talismimada ahaa iyo Khayraadka dalka ee aan loo sinayn.

Janaraalku wuxuu u xidhnaa muddo 7-ba sanadood ku dhow Dawladdii Kacaanka,wuxuuna hindisaheeda lahaa halgankii loo Naf iyo Maalba huray ee lagula dagaalamay dawladii Kacaanka,halka Madaxweyne Siilaanyo ahaa Hogaamiyihii ugu muddada dheeraa ee Halgankii Dimuqraadiyad doonka iyo sinaanta lagusoo ceshadey.