Komishanka Doorashooyinka Oo Ka Hor Istaagay Baashe Maxamed Faarax Inuu Khudbad Ka Jeediyo Daah-furka Qaadashada Kaadhka

Laascaanood(GNN):-Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax oo ah guddoomiyaha golaha wakiillada ee xilkiisa lagu muransan yahay ayaan khudbad ka jeedin magaalada Laascaanood oo lagu daahfurayay qaybinta kaadhka codbixinta.

Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa la sheegay inay Baashe Maxamed Faarax ay ka hor istaageen inuu khudbad ka jeediyo madashii daah-furka qaadashada kaadhka codbixinta, waxaanay ku sababayeen in maadaama lagu mursan yahay aanay xilkiisa ugu yeedhi karin maadaama ay xisbiyada dhex u yihiin.

Baashe Maxammed Faarax oo gobolkiisii la joogay lana filayay inuu noqdo shakhsiyaadka ugu muhiimsan ee cod baahiyaha lagu soo dhiibo ayaa sidaas kaga hulleeley isagoon wax hadal ah ka dhiiban madasha, waxaanau wararku sheegayaa inuu arrinkas Baashe aad uga cadhooday hase yeeshee komishanka ayaan dheg jalaq u siin.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle iyo Baashe Maxamed Faarax oo ku tartamay hogaaminta gollaha wakiillada ayaan illaa hadda la kala saarin maadaama ay soo baxeen cadaymo muujinaya in la musuqmaasuqay tirinta codadka.