Daawo-Murrashax Muuse Biixi Biixi Iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Lagu Soo Dhaweeyey Deegaannada Ximin, Cagaarrey, Gidhays iyo Gugux+Sawirro

Berbera(GNN):-Murrashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaannada Ximin, Cagaarrey, Gidhays iyo Gugux, waxana boqolaal kamid ah dadweynaha deegaannadan oo lulaya caleemo qoyan iyo calanka xisbiga KULMIYE si kal iyo laab ah u qaabileen murrashaxa iyo weftigiisa, iyaga oo muujiyey taageerada ay u hayaan xisiga KULMIYE.

20621034_456310064732718_5662491691406312303_n 20621102_456309688066089_3464769088078860271_n 20621106_456309318066126_4758655726074368784_n 20621215_456309531399438_3221243592033137035_n 20621275_456308784732846_2626875678382387791_n 20621780_456310554732669_4513422025545444933_n 20621833_456308811399510_6350316457201042796_n 20622134_456310091399382_2340267313315498610_n 20638846_456313741399017_2605862282922219264_n
Murrashax Muuse Biixi oo ay wehelinayaan wasiirro, siyaasiyiin, xildhibaanno, salaadiin, cuqaal, xubno kamid ah garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga, haween iyo xubno kale, ayaa maanta booqasho ku tegay deegaannadan, waxana halkaas ku qaabilay taageerayaal tiro badan oo uu xisbiga KULMIYE ku leeyahay deegaannada, iyada murrashaxa iyo xubno badan oo kamid ah dadweynaha deegaannadaasina hadallo kooban jeediyeen.
Murrashax Muuse Biixi iyo xubnaha kale ee socdalakiisa ku wehelinayey, ayaa dhammaanba deegaannadan ay soo mareen goob fagaare ah kala hadlay, waxana ay si weyn uga mahadceliyeen soo dhaweynta milgaha leh ee lagu qaabilay, iyada oo sidoo kalena waxgaradka, salaadiinta iyo madax-dhaqameedka deegaannadaasina ay shaaciyeen inay tageero buuxda u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisaba, isla markaana ay si hagar la’aan ah codkooda u doon doonaan.