“Musaqtabalka Somaliland Wuxuu Ku Xidhanyahay Doorashada Oo Si Wanaagsan Inoogu Qabsoonta”

Hargeisa(GNN):-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan Golaha Wakiilada, waxaanu labada dhinacaba ugu baaqay inay heshiyaan oo isku tanaasulan, waxaanu tilmaamay in madaama Doorasho inagu soo fool leedahay in aan loo baahnayn khilaaf iyo muran.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay loolanka Xisbiyada, waxaanu ugu baaqay inay si fiican u tartamaan oo ay la yimadaan barnaamij siyaasadeed, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Labada Garab ee Wakiilada waxaan leeyahay mustaqbalka Somaliland ha burburinina, tirada garabkan Wakiilada ee ku doodaya in khalad dhacay waxay ahayd in markii hore ee aan natiijada lagu dhawaaqin inay caddeeyaan waxay hayaan, maatana waxa la isku qabto ma jiro, waxa la isku hayaana hal xubin weeye, inay isku tanaasulaan, oo ay heshiyaan ayaan kula talin lahaa labada dhinacba, gaar ahaan waxaan ku baaqi lahaa in lagu daayo natiijada sidii hore, ee ahayd inuu Baashe helay, waxaan odhan lahaa maanta Mustaqbalka Somaliland wuxuu ku xidhan yahay Doorashada oo si fiican inoogu dhacda, Caalamkuna indho gaar ah ayuu inagu eegaya, ee Barlamaanku ha heshiiyaan, waxaana Xildhibaanada Wakiilada kula talinayaa inay heshiis buuxa gaadhan, oo umadda u daneeyaan, oo magaca Somaliland ilaaliyaan”.

Suldaanka guud ee Somaliland mar uu baaq u diraayey Xisbiyada ayaa yidhi “Xisbiyada loogama baahna inay is dacayadeeyaan  iyo ficil xumo dadka kala fogeysay, ee waxa looga baahan yahay barnaamijyo siyaasadeed iyo mabda siyaasadeed, oo ay dadka ku kala kasbadaan, dadku waa qabaa’iil balse waa inaynu si toos ah u raacnaa nidaamka dimuqraadiga ah ee aynu qaadanay, dadkuna yaanay qabyaalad ku codeyn ee Xisbiga ay siyaasadiisa fahmaan, codkooda ha siiyaan, qof walibana waa u xor inuu codka siiyo Xisbiga uu doono”.

Source-Geeska.