Wasiirka Ingiriiska Afrika U Qaabilsan Oo Ka Hadlay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya.

Hargeisa(GNN):-Wasiirul dawlaha Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo horumarinta caalamiga ah Rory Stewart, oo Sabtidii iyo Axadii socdaalo ku yimid magaalooyinka Hargeysa ee Somaliland iyo Muqdisho ee Somaliya, ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Wasiir Rory, wuxuu sheegay in wada hadaladu bilaabmi karaan marka ay qabsoonto doorashada madaxtooyada Somaliland. Wasiirka oo u waramay warbaahinta Goob-joog ee Muqdisho ayaa isagoo ka jawaabaya su’aal ahayd aragtida dawladda Ingiriiska ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, wuxuu yidhi “Waa inaan is xasuusinaa in Somaliland ay doorasho kusoo fool leedahay marka arrintani Soomaali ayey u taallaa laakiin waxay wax fududaan karaan doorashada kadib rajo fiican ayaana ka qabaa dadkana sidaas si la mid ah Soomaaliyana marka dhinac laga eego si wanaagsan ayey sameysay si dalka la isugu hayo marka dabcan rajo fiican ayaan ka qabaa wdahadallada.”

Wasiirka ayaa geesta kale wuxuu Hargeysa kulamo kula yeeshay ku simaha madaxweynaha Md. Saylici, guddiga doorashooyinka iyo murashixinta xisbiyada qaranka, waxaanu kala hadlay doorashada madaxtooyada ee November qorshaysan iyo siday u noqon lahayd doorasho xor iyo xalaal ah.