Nuxurka Dood Adag oo Murrashixiinta KULMIYE iyo UCID Dhexmartay iyo Guddoomiye Muuse Biixi oo Sharraxay Udub-dhexaadka Barnaamijka Xisbiga

Dood siyaasadeed loo qabtay murrashaxiinta Madaxweyneyaasha saddexda xisbi qaran ee Somaliland ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa Ayaa Caawa Lagu Qabtay huteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa.
Doodda oo ay soo qabanqaabiyeen Guddi ka socota Madasha Wadatashiga Somaliland, waxa ka soo xaadiray labada murrashax Madaxweyne ee xisbiyada KULMIYE iyo UCID – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Faysal Cali-waraabe, balse waxa madasha ka maqan oo diiday inuu ka qaybgalo dooda murrashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), lama garanayo sababta murrashaxa xisbiga WADDANI uga muquurtay dooddan oo ay ka qaybgalayaan boqolaal ardayda jaamacadaha iyo aqoonyahanka.
Haseyeeshee, Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo xidhiidhinaya doodda waxa uu sheegay in xisbiga WADDANI uu ka cudur-daartay ka qaybgalka dooddan.
qabanqaabiyeen madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka oo caawa lagu qabtay Hutel Guuleed ee magaalada Hargeysa.
Dooddan oo loogu talo galay in lagu lafo-guro arrimo door ah oo ay kamid yihiin waxbarashada, maamul-wanaagga iyo ilaalinta nabadgelyada waqtiga doorashada, isla markaana ay dhallinyaro aqoon yahani ahi si furan su’aalo ugu weydiiyeen masuuliyiinta ka xaadiray, ayaa waxa ka qaybgalay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo saraakiil xisbiga katirsan, guddoomiyaha xisbiga Ucid Md. Faysal Cali Waraabe, xubno kamid ah madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka oo kulanka daadihinayey, saraakiil wasaaradda waxbarashada ka socota, dhallinyaro, haween, siyaasiyiin iyo aqoonyahan kale oo aad u tiro badan, kuwaas doodda si weyn u xiisaynayey, 20526220_920946014710153_454783902749332922_n20525943_920945581376863_1354930815965720454_n

20525729_920971318040956_418926030298792170_n 20597426_920971138040974_8219950118596403363_n 20604615_920971591374262_6841380335530959721_n 20621254_920971744707580_2943048736793913811_n20525982_920971218040966_2459388842098679434_n
Ugu horrayn Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo isagu doodda daadihinayey, ayaa tiro su’aalo ah oo ku saabsan mawduucyada ay dooddani ka duulaysay ee kala ah waxbarashada, maamul-wanaagga iyo ilaalinta nabadgelyada waqtiga doorashada si daran-doorri ah u weydiiyey murrashixiinta KULMIYE iyo UCID oo iyagu goobta ku sugnaa, soona ajiibay inay bulshada ka qanciyaan su’aalaha maankooda ka guuxaya, iyada oo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi si kooban u sharraxay tiirarka udub-dhexaadka u ah barnaamij-siyaasadeedka xisbigu ku geli doono doorashada soo socota oo tiradoodu dhan tahay Toddoba Tiir.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu si mug iyo miisaan leh u sharraxay jawaabaha su’aalihii la weydiiyey ku ballaysimay tiirarka udub-dhexaadka ah ee barnaamijka xisbigu ka kooban yahay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Murrashax ahaan xisbiga KULMIYE oo ka waayo aragnimo badan kuwa kale waxanu haynaa haynaa Barnaamij ka kooban Toddoba tiir oo isku xidhan, haddii uu mid meesha ka baxona ka kale dhimsi maayo, waxana loo baahan yahay in la isku xidho, ugu horrayn Arrimaha Bulshada in wax laga qabto sida waxbarashada, helitaanka Biyo iyo cunto nadiif ah iyo inaynu kala hubsano sida ay mujtamaceenu isugu dulman yihiin, Maamul-wanaag, Ammaan, siyaasadda arrimaha dibadda iyo ka talinta deegaanka.”
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay KULMIYE ahaan ka go’an tahay in tacliinta dalka lagu jaangooyo khayraadka waddanka oo ay soo saari doonaan arday ku hubaysan waxbarasho suuq dihin leh oo si fudud shaqo loogu heli karo, isaga oo sidoo kale jawaabo waafi ah ka bixiyey su’aalo ku saabsanaa maamul-wanaagga iyo ilaalinta nabadgelyada waqiga doorashada lagu jiro, waxana uu si cad u ballan qaaday inay mar walba muhiimadda koowaad u tahay ilaalinta nabadda, xasiloonida iyo wada-jirka umadda reer Somaliland.
Su’aalaha xubnaha Madasha wada-tashigu halkaas ku weydiiyeen labada murrashax ee KULMIYE iyo UCID, kadib waxa dadweynihii madasha ku sugnaa oo aqoonyahanno da’yar u badnaa loo oggolaaday in wixii ay su’aalo hayaan weydiiyaan labada murrashax, kuwaas oo jawaabo lagu qancay ka bixiyey dhammaanba su’aalihii la weydiiyey.