Shirkadda D.P.World Oo Diiday In Ay Rogto Maraakiib U Raran Ganacsadaha Oomaar + Sababta, Jiingaddii Iyo Looxii Oo Qiimahoodu Cirka Isku Shareeray

Shirkada Wakhtigan Gacanta Ku Haysa Maamulka Dekeda Berbera Oo Cabasho Xoogan Ay Uga Cawdeen Ganacsatada somaliland ee maamusha Dakadda Barbara ayaa diiday in ay Rogto Maraakiib u raran Ganacsadaha Jaamac Oomar oo sidda Qalabka dhismaha waxaana magaalooyinka dalka ka go,ay Dhamaan qalabka dhismaha iyadoo saaka Looxa Cas laga siinayo Hargaysa xabadiiba 22 doolar halka markii hore uu ka ahaa 18 doolar, sidoo kale Jiinadda ayaa ahayd 5 doolar waxaana Maanta lagu la, yahay 8 doolar qiimaha intaas leeg in uu kordho ayaa waxaa u sabab u ah in la waayo cid wax ka rogta Maraakiibtii siday Qalabka dhismaha.

Shirkaddan D.p.world ayaa waxaa ay is hortaagtay in Markabka Cabdiladiif ee u raran Jaamaca Oomar wax lagu rogo waxaanu dakadda ku xidhan yahay muddo 40 Maalmood ah.

Geesta kale waxaa jira Maraakiib badan oo cid wax ka rogta la, taagana dakadda la dhaxal wareejiyay ee Barbara.

Dhawaan ayay ahayd markii Ganacsato badan oo boqol shirkadood gaadhaysaa aya qaylo dhaan ka soo saareen dakaddaasi.

Waxaana Khilaafkan Soo Noqnoqday Sababay In Maraakiib Farabadan Oo Siday Rar Qaarkood Muddo Dhaaf Ay Ku Xidhan Yihiin Marsada Wakhti Gaadhaysa Ilaa 40 Halka Qaarna Ay Dib Uga Laabteen Dekeda Kadib markii Ay Arkeen In Khilaafaad Cakirani Taagan Yahay.

Ma Jiro Ilaa hadda Marka Laga Yimaado Jawaabo kasoo Baxay Dhinaca Xukuumada Mooyaane War Rasmiya Oo Kasoo baxay Shirkada Dhawaan La Wareegtay Maamulka Dekeda Ee DP-world.

GABILEY LOGO OK