Somaliland Oo Cudur-daar Ka Bixisay Dib-u-dhicii Ku Yimi Wadahadalkii U Socday Khaatumo Iyo Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Wasiiru-dawlaha Waxbarashadda, Axmed Xaaji Aadan oo labaduba ka mid ah Guddida Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan wadahadalka maamulka Khaatumo, ayaa shalay gaadhay degmada Widh-widh ee gobolka Buuhoodle, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo masuuliyiin ka tirsan Khaatumo.

Guddoomiyaha UCID, ayaa ka raaligeliyay dib-u-dhacyada ku yimmi wadahadalkii u bilaabmay labada dhinac;  “Waxaan idiinka mahadnaqaynaa sida wanaagsan ee aad noo soo dhaweyseen wadahadalkan aynu wadnaa  waa fikir ay keeneen isla garteenna Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Prof. Cali Khaliif Galaydh,  waa laba nin oo saaxiib ah,  labaduba waxay doonayaan inay raad taariikheed ka tagaan taasi ayaananu gacannna aanu ku siinaynay meel wanaagsan-na way marayeen, wixii dib u dhac ku yimidna wax loogu talogalay maaha.dib-u- dhicii ku yimmi wadahadalkan waanu ka xun nahay haddii aanu Somaliland nahay waxaanay nagaga soo beegantay kaadh-qaadashadii ictiraafna iman maayo innaga oo middaysan mooyaane,Illaahay baa iskeen baday,”ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

 

Waxa kaloo uu sheegay in wadahadalkan labada dhinac wixii ka dhiman ay dib u bilaabi doonto dawladda cusub ee ka dhalata Somaliland doorashada madaxtooyada ee muddaysan 13-ka November ee sannadkan, waxaanu u soo jeediyay maamulka Khaatumo inay fuliyaan heshiiskii hordhaca ahaa, waxaannu yidhi; “Wax badan uma dhaxeeyaan wadahadalkeenna ee wixii dhiman dawladda danbe ee  ka  dhalan doonta Somaliland ayaa   halkaas ka sii amba-qaadi doonta. idinkana go’aan qaadasho ayaa la idiinka  baahan yahay haddiise aad sagsaagtaan oo arrimihii la isla  gartay aad dibada ka joogtaan waxba ma hagaagayaan, wixii hadhayna si habsami leh ayaynu u bilaabaynaa,waxaannu dooneynaa in waddankeenna aynu horumarino dalkeennu  waa hodan ee inaynu ku dul gaajoono maaha, taariikh wanaagsana aynu dadka uga tagno haddii kale kuwa innaga danbeeyaa inaynu wax isu nahayba garan maayaan.”

Wasiiru-dawlaha Waxbarashada iyo Tacliinta sare,  Axmed Xaaji Aadan, ayaa sheegay in xukuumaddu doonayso in muddada kooban ee u hadhay ay xawli ku dhaqaajiso wadahadalada u socday Somaliland iyo Khaatumo, waxaannu yidhi;“Ujeeddada booqashadayadu  waxay  la xidhiidha geedi socodka ay nabadu leedahay oo meel wanaagsan inoo maraya, iyada oo ay dadku dhammaan danaynayaan nabadda iyo horumarku macnaha ay leeyihiin. sida la wada og yahayna saddex bilood ayaa u hadhay xukuumaddii ku fikirtay in dalkeenna horumar iyo walaalnimo ay ka dhacdo waxaannu doonaynaa haddii wax naga qabyoobeen in saddexdaa bilood si xawliya u shaqayno idinkuna nagula shaqeysaan.”

Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay in wada-xaajoodka Somaliland iyo Khaatumo ay nabad u horseedi doonto mandaqada oo dhan, waxaannu yidhi; “Wadahadalkan aanu Somaliland la bilownayna aad ayaanu u danaynaynaa haddii aanu Khaatumo nahay wax dhulka naga yaalaanna ma jiraan,  shacabkayaga ayaa raba, dastuurkayaga ayaa na faraya,  waxa aanu  rajaynaynaa in arrintaa wadahadalka  lagu guulaysto waxay Soomaalida maanta cid walba ku wiirsanayso ee badbaaday waa dadkii markii hore uu xukumi jiray Ingiriisku waxaan qabaa in nabad geeska afrika oo dhan ka dhacdaa ay ku jirto wadahadalkan inoo socda.”  “Hadda halkan  waxaannu u fadhinaa guddida farsamada ee labada dhinac ah,  iyada oo ay dib u dhacyo  badani jiraan  sidii wixii la qaban karo loogu hagar bixi lahaa oo aanu dib u dhac danbe ka iman,”ayuu yidhi Hoggaamiyaha Khaatumo.