Daawo-Taliyaha Ciidanka Nabad Galyada Wadooyinka Oo Faah Faahiyey Hawl Galo Lagu Qabtay Baabuurta Dawlada Oo Lambaradii Laga Jaray –

Hargeisa(GNN):-Ciidamada nabad galyada wadooyinka somaliland ayaa bilaabay hawl galo ay ku qabanayaan baabuurta dawlada ee lagu isticmaalo lambarka baabuurta shacabka ah.

Taliyaha ciidamada nabad galyada wadooyinka somaliland gaashaanle sare Faysal Xiis ayaa sheegay in amarka ay ku qabanayaan baabuurtani uu yahay mid guud oo ka soo baxay dawlada, waxaanu fariin u diray cid kasta oo haysata baabuurtii dawlada isla markaana ku xidhay lambarka u gaarka ah baabuurta dadka shacabka ah.

Ugu horayn taliye Gaashaanle Faysal Xiis oo ka hadlaya  hawl galada ay ciidamada amaanku fulinayaan ayaa waxaa uu yidhi ““Dhawr baabuur ayaanu qabanay, waxaanan gaynay wasaarada hawlaha guud, amarkaasina waa mid guud oo

dawlada ka soo baxay, cidii wadata baabuurta GT waa  inay ku xidhaan lambarkii saxda ahaa ee loogu tala galay.”

Taliye Faysal Xiis oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Ciidanka Booliska guud ahaan gaar ahaan ciidanka nabad galyada wadooyinku waxay ka shaqaynayaan baabuurtii ay dawladu lahayd  oo intoodii badnayd lagu xidhay lambar Somaliland ah, waana sharci daro, waxa weeyaan in baabuurta dawlada loo ogol yahay inay ku xidhaan lambaradii ay dawladu lahayd, kaas ayaana lagu soconayaa oo laga hawl galayaa, haddii ay yaalaan meelo gaar ah iyo haddii ay yaalaan geerashyadaba waa laga soo qaadayaa baabuurta dawlada, waxaana lagu xaraynayaa wasaarada hawlaha guud, waxaanan ka codsanaynaa cid kasta oo haysata baabuurtaas inay iska soo xareeyaan ama ay ku xidhaan lambarkii gaadiidka dawlada.”