Waa Kuma Siyaasiyga Beeshiisa Usoo Jiiday Taariikh Xumo Ka Raacda Hogaaminta Siyaasada.W/Q:Abwaan Sacad X Maxamuud

Waa Kuma Siyaasiyga Beeshiisa Usoo Jiiday Taariikh Xumo Ka Raacda Hogaaminta Siyaasada.
Mustaqbalka Dhaw Iyo Ka Fog Bulshada S/land Mar Kale Ma Dooran Doontaa Madaxwayne Ka Soo Jeeda Beesha Bariga Burco ?

Waxaa Rumoobay Hadalkii X Cabdi Kariin ( Cabdi Waraabe ) Ka Jeediyay Xafladii loogu Wanqalay Ururkii Kulmiye 27/5/2002 Oo Maanta Shann Iyo Tobann Sannadood Laga Joogo

Xakamaha ninkii goostayee xeerna qaban waayay

Xaqiraada ninkii lagu bartee xasadka caadaystay

Xafiisyada dhamaantood ninkii laga xanaaqaayay

Gidi habar xabuusheed ninkaa wada xajiimeeyay

Xisbigii uu joogaba ninkaa Xumaha beeraayay

Qalinkii iyo Erayadii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley

Waa sadaro hufan oo Bulshada S/land u iftiimin doona Siyaasi hadimo badan oo hantaaqooyin badan u gaystay Midnimada Bulshada iyo Madax-banaanida Jamhuuriyada S/land, waa qormooyin aan ku soo ururiyay Ficilo uu ku kacay Siyaasi muddo Shann Sanno iyo badha ahaa Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada S/land oo dhibaatooyin badan u gaystay Milgaha iyo Dhaqanka soo jireenka ah ee Bulshada S/land, waa Tilmaamo ku haboon Siyaasi magaciisa Madaxwayne Siiraanyo hortii aan la maqal, balse ku wacad furay oo Maanta u xusul duuban in uu Tirtiro Maamuustii iyo Magacii uu ku lahaa Qaranka S/land.
Waa Siyaasi Xirfad ka dhigtay Musuqmaasuqa oo waqti kasta u Xusul duubnaa xaalufinta Ilaha Dhaqaalaha Dalka S/land muddo Shann Sanno iyo Badh ah uu Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada ahaa, waa Siyaasi ku suntan Amar ku taaglayn, Maamul xumo iyo ku tagri falka Hantida Umada baahan ee S/land , waa Siyaasi xirfad ka dhigtay ku tumashada Sharciga iyo Xeerarka Dalka S/land, waa Xog aan hilaabta kaga qaadayo Boogaha Huursan iyo Hadimooyinka uu Qaranka S/land u gaystay Siyaasi Qasriga Madaxwayne Siiraanyo Awood badan ku lahaa Muddo Shann iyo badha ( ilayn Doqoni hoosiisbay hadh moodaaye ) Siyaasi ka Aradan Maamul wanaaga Eexda iyo Qaraabo kiilka ku caano maalay,Siyaasi Amar ku taaglaynta Masuuliyiinta dhigiisa ah u haystay Darajo uu gaadhay, Siyaasi Taariikh Xumo ka raacda Hogaaminta dalka u soo jiiday Waqti Beesha uu ka dhashay ee Hogaaminta dalka Gacanta ku hayso, Wasiir sobobay in Beeshiisa Dhagxumooyin Taariikheed ka raacaan Hogaaminta Dalka.
Hadii aan halkaa ku dhaafo Gogol xaadhkaa Qormadayda, Siyaasiga socod baradka ah ee Xirsi Cali X Xasan waxuu safka hore kaga jiraa Siyaasiyiinta Magacooga iyo muuqooga Saaxada Siyaasada lagu arkay Muddo Xileedka Madaxwayne Siiraanyo,balse waxuu dheer yahay Siyaasiyiinta Saaxada ku cusbaa Qab wayni ka turjumaysa Maan-gaabnidiisa iyo indho Adayga uu Hoy ka dhigtay Guri ka mida Guryaha Astaanta u ahaa Hayadadaha Gargaarka .
Mar kale waxaa wax lala yaabo ah Dareen la”aanta Bulshadii Hormoodka ka ahayd, Halganka dib u xoraynta Qaran in ay Maanta ka dhiidhiyi waydo Siyaasiga Mulkiyay Gurigii Hayada Oxform ku lahayd Caasimada Hargaysa ee Xirsi Cali X Xasan,iyadoo Hayada Oxform ay tahay Hayada Biyaha Aduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay. Waxaase iswaydiin mudan, Muxuu ugu Daawanayay Madaxwayne Siiraanyo ku Takri Falka Shuruucda Dalka S/land iyo hantida Qaranka Siyaasiga ay isku haybta yihiin ee Xirsi Cali X Xasan ? Muxuuse Madaxwayne Siiraanyo Talaabo ugu qaadi la”ayahay Siyaasiga u Tafo xaytay in uu Tirtiro Xisbigii Kulmiye ee uu Aasaasay ? Ma jiraan Xeelado Siyaasadeed oo ay ka wada Socdeen Siyaasiga Xirsi Cali X Xasan iyo Wasiirada Awooda badan ku leh Qasriga Madaxwayne Siiraanyo ? Waxaana hubaala in ay Rumowday Hadalkii X Cabdi Kariin ( Cabdi Waraabe ) uu ka yidhi Xafladii loogu Wanqalay Ururkii Kulmiye 27/5/2002 oo Maanta laga joogo Maanta muddo 15 Sannadood ah.
( Xaaji Cabdi-Waraabe wuxuu yidhi “Odayga Axmed –siilaanyo aad isuma jeclin laakiin waxa uu yahay qarin maayo, markaa ninka jabhad u Madax noqday ee aan Jeelka Itoobiya Nina kaga iman inuu Nin weyn oo xil qaadi kara yahay baa halkaa ka muuqata, Axmed intii uu yimi oo dhan wer-wer baa aniga igaga jiray waayo waxaan uga baqanayey inuu ciiro oo uu Bari u ciiro oo uu Beel sheegto, Reer-hebeshana waa la kala jecel yahay,ILaahayna dembiga ha iga dhaafee hadallo xan ahna waan ku tuuray oo waxaan idhi waar wuu Qabyaalad jecel yahaye ceeb kale ma laha’e , ma laga yaabaa inuu Ninkaasi reer-hebel sheegto ayaan wax badan idhi. Laakiin Axmed waa nin madaxnimo qaadi kara oo dalka hogaamin kara )
Xigasho Kaydka Wargayska Haatuf.
Isku soo wada duuboo waxaa hubaala in Ficilada uu ku kacay Siyaasigan aan qormo kaliya lagu soo koobi karayn waxaan hoosta ka Xariiqayaa in ( Awooda Qabiilku Ahayd Burjiga U Wayn Ee Siyaasiga Xirsi Cali X Xasan U Ogolaatay In Uu Ku Takri Falo Hantida Qaranka Waxuu Doonana Sameeyo ).
La Soco Qormooyin Kale Oo Xiiso Badan.

Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley S/land