Daawo Sawrro iyo Muuqaal : Wariye ka tirsan warbaahinta caalamka isaga oo si toosa ah war u tabinaaya oo Feedh Nin Ku Bilaabay.

Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn u hadal haysa dhacdo layaab leh oo ka dhacday dalka Ruushka ,kadib markii Wariye ka shaqeeya taleefishinka NTV xili uu tabin toos ah ku jiray Nin Sakhraansan uu feedh la dhacay.

Wariyaha oo lagu magacaabo Nikita Razvozzhayev ayaa xili toos looga daawanayay Telefishinka waxaa soo ag istaagay nin u Muuqday in uu cabsan yahay kaa oo feedh xoogan ku dhuftay Wariyaha, waxaana wariyaha danta ku qasabtay in uu ka cararo ninkaasi soo weeraray.

Ninkii weeraray Wariyaha ayaa isaga oo ceytama goobta isaga tagay, ciidamada amaanka ayaana baadhitaano ku haya ninka weeraray Wariyaha oo muuqaalkiisa sida tooska ah Tv-ga looga daawaday.